Goolkii Uu Spain Ugu Hogaamiyay Koobka Aduunka, Sababta Uu Uga Tagayo Barcelona, Haddii Uu Tababare Noqon Doono Mustaqbalka & Andres Iniesta Oo Waraysi Uu Bixiyay Wax Badan Kaga Faalooday.

Kabtanka kasii baxaya kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa ka qayb qaatay barnaamijka El Transistor ee ka baxa Spanish Radio, Iniesta ayaana ayaana lafo guray arrimo badan oo ay ka mid yihiin Sababaha uu uga tagayo Blaugrana, Goolkii uu Spain ugu gacan galiyay koobkii aduunka ee 2010 iyo haddii uu tababare noqon doono mustaqbalka dhaw.

Iniesta oo ugu horeyn ka hadlay bilowgiisii Barcelona ayaa sheegay in aabihii uu mar ku fikiray inuu guriga u kaxeeyo isla markaana uu ka joojiyo ka qayb ahaanshaha akaademiyada Barceola ee La Masia balse ay hooyadii ay go’aan ku gaadhay inuu halkaas joogo wuxuuna yidhi “Waalidkay waxay ku dhiiradeen inay igaga tagaan La Masia anigoo aad u yar, waxa jiray mar uu aabahay ku fikiray inuu guriga ii qaado balse hooyaday ayaa go’aansatay inaan halkaas joogo”

Sidoo kale Iniesta ayaa ka hadlay goolkii uu gacanta ugu galiyay koobka aduunka dalkiisa Spain wuxuuna yidhi “Inkastoo ay u muuqato waxaan macquul ahayn habeenkaas magaalo ciyaareedka Johannesburg, Waxaan si fiican u maqlay aamusnaanta markii aan kubadda ka helay Fabregas, Il bidhiqsi ka bacdi waxaa bilaabmatay farxad waxaanan ogaaday inaan dhaliya goolkii Spain gacanta u galiyay koobka aduunka”

Dhinaca Kale Andres ayaa wax laga waydiiyay sababta uu uga tagao Barcelona waxaana uu sheegay inay tahay wakhtigii ugu haboonaa ee uu ka tagi lahaa Barca isla markaan uusan haatan siin karin wixii uu horay u soo siiyay wuxuuna yidhi “Waan tagayaa maxaa yeelay waxaan dareemay inay tahay wakhtigii ku haboonaa ee aan tagi lahaa, Maxaa yeelay haatan ma siin karo wixii aan siiyay, Waan ka war qabaa dalabaadka lagaa rabo markaad kooxdan u ciyaarayso, Waxaan go’aansaday inay tahay wakhtigii ugu fiicnaa ee aan tagi lahaa, Waan ku faraxsanahay inaan sidan oo kale ku baxo kaddib xili ciyaareed heer sarre ah oo aan koobab ku guulaysanay”

Iniesta ayaa ugu dambayn ka hadlay hamigiisa tababarenimo iyo sida uu u danaynayo inuu maalin uun tababare noqdo waxaana uu yidhi “Waxaan ku rajo waynahay mustqbalka inaan ku soo laaban doono Barcelona maxaa yeelay halkani waa gurigayga aad baanan ugu faraxsanaa halkan, waxaan bilaabaya inaan xiiseeyo tababarenimo laakiin waxaan jeclahay inaan sii wado ku raaxaysashada kubadda cagta sanado kale”