Goolkii Anthony Martial Waxa Uu Ahaa Offside, Man United Umay Qalmin Barbaraha, VAR Ayaa Loo Baahnaa Iyo Erayadii Uu Khabiir Robbie Savage Ku Qiimeeyay Kulankii Old Trafford.

Khabiirka kubbada cagta England ee  Robbie Savage ayaa qiimayn ku sameeyay kulankii Manchester United iyo Arsenal barbaraha ku galeen Old Trafford wuxuuna  Robbie Savage cadeeyay in goolkii Anthony Martial ee ay United ku keensatay barbaruhu uu ahaa gool Offside ah taas oo muujisay baahida loo qabo muuqaal caawiyaha garsoorka VAR.

Martial ayaa Manchester United goolka barbaraha ugu dhaliyay kubbad laaga xorta ahayd oo uu soo tuuray Marcos Rojo laakiin waxay muuqaalda iyo sawirada TV-yadu muujiyeenin uu Ander Herrera ahaa xidiga offside ka ku jiray wuxuuna  Robbie Savage tilmaamay in ay ahayd in goolkan meesha laga saaro.

Robbie Savage oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxay ahayd kubbad laaga xorta ah oo ka timid Rojo kaas oo gidaarka dul mariyay, goolhayaha ayaa badbaadiyay laakiin waxay ahayd in laga riixo goobta halista ah. Waxaan filayaa in Herrera uu offside ahaa bilawgii laaga xorta ah, kubbada ayuu dib ugu soo celiyay Martial si uu goolka ugu qabto”.

Robbie Savage oo ka hadlaya baahida loo qabo VAR ayaa yidhi: ” VAR waxa uu meesha ka saari lahaa goolkaas, maadaama oo uu madaxa Herrera offside ahaa”. Robbie Savage ayaa aaminsan in goolkii Martial uu ahaa mid aan sharci ahayn maadaama oo Herrera oo offside ku jiray uu kubbada u soo celiyay.

Robbie Savage oo ka hadlaya in Man United ayna u qalmin barbarihii waqtigii nasashada ayaa yidhi: “Barbarihii 1-1 ka ahaa ee waqtigii nashada, waxaan sheegi karaa in aanu cadaalada ka turjumayn, tayo fiican umay ahayn khadka dhexe ee United”.

Intaa kadib Robbie Savage ayaa muujiyay sida goolkii Martial aanu ugu qalmin in uu barbareeyay natiijadii kulankii Arsenal wuxuuna yidhi: “Miyay iyagu u qalmeen barbaraha? maya suurtogal ahaan. Shaxda 3-4-3 waxay in ka fiican ku haboonayd Arsenal, waxay u muuqatay mid United ku cusub, waxaan filayaa in tababaraha faraxsanaa waqtigii nasashu uu ahaa Mourinho”.

Arsenal ayaa kaalinta shanaad ee Premier league u soo dhacday inkasta oo ay Chelsea isku dhibco yihiin laakiin Man United ayaa haddaba u dhaw in ay ka quusato kaalmaha sare ee Premier league iyada oo markale lumisay dhibco kale oo muhiim ah.