Goolhaye Petr Cech Oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Ay Tottenham Uga Sare Martay Kooxdiisa Arsenal-Miyuu Ka Cadhaysiiyay Jamaahiirta, Ciyaartoyda Iyo Tababaraha Kooxdiisa?

Kooxda Tottenham ayaa u baahatay in ay 22 sano sugto si ay meel ka saraysa Arsenal ugaga dhamaysato horyaalka Premier Leaque laakiin waqti xaadirkan kooxda Spurs ayaa si cad uga saraysa kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Gunners. Haddaba ka hor kulanka xiisaha badan ee North London Derby ee kooxaha Arsenal iyo Tottenham, goolhaye Petr Cech ayaa u muuqday in cadho ku abuuray ciyaartoyda, jamaahiirta iyo tababaraha kooxdiisa Gunners kadib markii uu ka sheekeeyay sababaha ugu waa wayn ee ay Tottenham kaga sare martay kooxdiisa Arsenal.

Goolhaye Petr Cech oo waraysi siiyay Sky Sports ayaa sheegay in magacaabistii Mauricio Pochettino ee shaqada tababarka Tottenham ay ahayd sababta ugu wayn ee ay Spurs uga sare martay Gunners taas oo dhaliil wayn ku ah macalinkiisa 20 ka sano ka badan soo maamulayay Arsenal ee Arsene Wenger.

Petr Cech ayaa si cad u sheegay in Mauricio Pochettino uu yahay farqiga u dhexeeya Tottenham iyo Arsenal sidii ay markii hore soo ahaayeen, wuxuuna macalinka ree Argentina uu ku amaanay waxqabadkii uu hore uga soo sameeyay kooxda Southampton iyo waliba qaabka uu Tottenham sare ugu qaaday.

Petr Cech oo ka jawaabaya sababta ugu wayn ee ay Tottenham uga sare martay kooxdiisa Arsenal ayaa Sky Sports ugu jawaabay: “Qodobka ugu wayni waa magacaabistii Mauricio Pochettino. Waxaad ka arki kartaa shaqadisii Southampton, waxaa uu muujiyay in isagu uu aad awood ugu leeyahay ka maamule ahaan iyo ka tababare ahaan”.

Laakiin Petr Cech ayaa sidoo kale Tottenham ku amaanay ciyaartoyda ay haystaan isaga oo aaminsan in Pochettino iyo ciyaartoyda uu haystaa ay yihiin ku farqiga sameeyay wuxuuna yidhi: “Aniga ahaan taas ayaa farqiga ugu wayn samaysay, sababtoo ah waxay haystaan ciyaartoy da’yar ah oo hibo leh sidoo kale waxay kooxdooda ku haystaan ciyaartoy khibrad leh oo aad u dheeli tiran”.

Petr Cech ayaa hadalkiisa ku sii adkeeyay Pochettino wuxuuna yidhi:” Markasta waxbaa maqnaa laakiin anigu waxaan sheegi karaa in farqigu uu yahay markii uu Pochettino yimid”.

Arsenal ayaa Tottenham soo dhawayn doonta iyada oo Gunners kaalinta 6 aad ee horyaalka Premier leaque ugu jirta 19 dhibcood halka Tottenham ay kulankan iskeeni doonto iyada oo ku jirta kaalinta saddexaad isla markaana haysata 23 dhibcood.

Comments

comments