Goolhaye Muujiyay In Lacagtu Aysan Muhiim Ka Ahayn Agtiisa Kaddib Markii Uu Diiday Rekoodh Uu Ku Noqon Lahaa Goolhayaha Ugu Mushaharka Badan Dunida.

Goolhayayasha dunida kubadda cagta ayaa ah kuwo aan sida ugu fiican loo qiimayn marka loo eego dhinaca mushaharka ay helaan xiddigaha kale ee kooxdu balse waxa haatan soo baxay warar sheegaya inuu jiro goolhaye mushahar waali ah ku gacan saydhay.

Goolhayaha mushahaharka intaa le’eg diiday ayaa ah midka Atletico Madrid ee Jan Oblak, Sida laga soo xiganayo wargeyska El Mundo, Oblak ayaa laba dalab oo heshiis kordhin ah ka helay kooxdiisa walow uu iska diiday.

Dalabka koowaad ayaa ahaa mid ay Rojiblancos u bandhigeen Oblak kahor intii aysan heshiiska cusub ka saxeexan Antoine Greizmann ee lagu gudo jiray xilli ciyaareedkii hore ee 2017-2018.

Markale, Atletico ayaan ka rajo dhigin inay goolhayaha ree Slovania ka saxeexdaan heshiis mudo dheer ah waxaana ay u bandhigeen inuu sanadkii qato aduun dhan 10 Milyan waana mushahar rekoodh ah marka loo eego guud ahaan goolhayayasha caalamka balse marnaba ma ogolaan.

Mushaharka 10-ka Milyan ee Euros ayaa ah mid sidoo kale Jan ka dhigi lahaa xiddiga labaad ee ugu mushaharka badan gudaha kooxda ree Madrid isaga oo kaliya ka dambayn lahaa Greizmann.

Dhawaan ayuu tababaraha kooxda ee Diego Simeone ka hadlay xaalada cakiran ee goolhayaha kooxdiisa isaga oo yidhi “Waxaan leenahay fikrado cad, Waanu la hadalnay isaga”

Ugu dambayn, Maamulka ugu sarreeya kooxda ayaa kalsooni buuxda ku qaba in heshiiska Oblak uu kaliya wakhti ka xigo isla markaana uu dhawaan qalinka ku duugi doono qandaraas mudo dheer ah.