Goolhaye David De Gea Oo Qalbiga U Dajiyay Jamaahiirta Man United Ee Ka Wer-Wersan Mustaqbalkiisa Xilli Uu Si Cadho Leh Uga Hadlay Eedaymihii Koobka Aduunka.

Goolhayaha kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Spain ee David De Gea ayaa markii ugu horreysay ka hadlay eedaymihii uu kala kulmay tartarnkii koobka aduunka iyo mustaqbalkiisa kooxda oo ay jamaahiir badani werwer ka qabaan.

David De Gea ayaa kusoo dhibtooday dalka Ruushka Koobkii Aduunka kaddib markii uu qaladaad ka sameeyay tartankaas haba ugu weynaado inuu Cristiano Ronaldo gool fudud ka dhaliyay kulankii Portugal ay ku wajaheen koobkii aduunka.

Kahor kulanka ay caawa kooxda Young Boys ku wajahayaan Champions League, De Gea ayaa sheegay inuusan waligii dhagaysan hadalada macno la’aanta ah ee ay dadku isaga ka sheegaan balse uu kaliya diirada saaro sidii uu kooxdiisa ku caawin lahaa.

Goolhayaha oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Caadiyan waligey ma dhegeysto dadka aniga iga hadla, Waligey ma dhegeysto waxyaabaha macno la’aanta ah ee ay yidhaahdaan”

“Caadiyan waxaan diirada saaraa shaqadeyda waxaanan diirada saaraa inaan isku dayo caawinta kooxdeyda aniga oo isku dayaya inaan horumaro tababar kasta oo aan isku dayo inaan u wanaagsanaado sida aan awoodo”

Dhinaca kale De Gea ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay u ciyaarista Man United oo uu ku sifeeyay mid kamid ah kooxaha dunida ugu fiican.

“Anigu dhab ahaantii waxaan dareemaa iany i jecel yihiin jamaahiirtu iyo dhammaan dadka kooxdan u shaqeeya, Xaqiiqdii waan ku faraxsanahay inaan u ciyaaro kooxdan, Mid kamid ah kooxaha ugu fiican dunida, Sidaa darteed aniga way ii fiicantahay inaan qayb ka ahaado kooxdan.