Goolhayaha Liverpool Ee Lloris Karius Oo Markale Qalad Cadaan Ah Sameeyay Kulan Saaxibtinimo Oo Ay Liverpool Ciyaartay & Klopp Oo Ka Hadlay Qaladkaasi.

Goolhayaha kooxda Liverpool ee Lloris Karius ayaa halkiisa kasii wada qaladaadka cadaanka ah ee uu ka samaynayo kulamada ay kooxdiisa Liverpool ciyaarayso, Karius waxa uu qaladaad foolxun oo kooxdiisa u diiday hanashada UEFA Champions League ka sameeyay ciyaartii Final-ka ee ay Real Madrid guuldarada kala kulmeen.

Karius oo tan iyo kulankaas eedaymo kala kulmayay khubarada kubadda cagta iyo jamaahiirta kooxdiisa ayaa markale qalad cadaan ah ka sameeyay kulankii saaxiibtinimo ee ay kooxdiisu la ciyaartay kooxda Tranmere waxaana qaladkaas ciyaarta kaddib ka hadlay tababare Jurgen Klopp.

Haddaba tababare Klopp waxa uu sheegay in goolku uu ahaa mid cidkasta ku xun balse waxa uu tusaale usoo qaatay goolkii labaad ee ay ciyaarta ka dhaliyeen isaga oo sheegay in labada xiddiga ee Tranmere ee Millie iyo Chirivella ay lahaayeen qaladka goolkaa isla markaana uu midka ay iyagu galeen ka waynaa midkii Karius, Hadalkan ayaa cadayn u ah sida uusan tababare Klopp u doonanyn inuu qalbi jab ku rido xiddig ka tirsan kooxdiisa.

Klopp ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Qofna muusan jeclaan goolkaas, laakiin haddii aynu ka hadalno goolka labaad waxaan filayaa inay ahayd qaladka Millie ay wada galeen Chirivella, Laba ciyaartoy oo fiican ayaa sameeyay qaladkan, Qaladkeebaa wayn? waxaan odhan lahaa qaladka labada wiil laakiin kamaynaan hadlin”

“Loris ayaa laga dhaliyay goolkaas laakiin ma bilaabi karno sheeko kaddib qaladkasta, Qaladaadku way dhici doonaan anigu ma jecli qaladaadka, Isagu ma jecla iyaga laakiin way dhici doonaan sidaa darteed aynu socono oo aynu ka dhigno xaaladahan sida ugu fiican inagoo wax ka baranayna”