Goolhayaha Kooxda Chelsea Ee Thibaut Courtois Oo Walaac Kasii Muujiyay Hab Ciyaareedka Tababarihiisi Hore Ee Jose Mourinho Kahor Kulankooda Final-ka FA Cup.

Shabaq ilaaliyaha kooxda Chelsea ee Thibaut Courtois ayaa walaac xoogan ka muujiyay taaktikada tababarihiisii hore ee Jose Mourinho oo haatan ah macalinka Manchester United, Red Devils & Blues ayaa fooda isku dari doona gegida Wembley habeenimada sabtida kulan ah Final-ka FA Cup.

Mourinho ayaa hab ciyaareedyo kala duwan kala hortagay kooxdiisii hore ee Chelsea isagoo kulamada qaar kula ciyaaraya saddex daafac halka uu qaar kalana ku wajahay afar daafac, Waxa sidoo kale xusid mudan in Jose uu mar raacasho toos ah ku sameeyay Eden Hazard oo uu daba dhigay Ander Herrera.

Courtois oo aqoon fiican u leh Jose Mourinho kaddib markii uu kaga soo hoos ciyaaray Blues isla markaana ay si wada jir ah ugu guuleysteen koobabka kala ah Premier League iyo League Cup sanadkii 2014-2015 wuxuuna sheegay inuu markasta wax yaabo layaab leh kala hor tago iyaga.

Courtois oo ka walaacsan taaktikada Jose ayaana hadalkiisa ku bilaabay “Markasta waxa uu lahaa layaabyo kulamadii uu naga hor yimid anaga” ayuu u sheegay London Evening Standard

“Waxa uu leeyahay qaabab kala duwan oo uu ku ciyaaro, Mararka qaar waxa uu ku ciyaaraa saddex daafac dambeeda marmarka qaarna afar, Markasta waxa uu raadiyaa shay”

“Waxaan filayaa inay noqon doonto kulan weyn, Wejiyo badan oo caan ah ayaa kasoo muuqan doona labada dhinac, Waxaan rajaynayaa inay kulan fiican u noqon doonto Chelsea isla markana ku guuleysato koobka”

Chelsea ayaa seegtay tartanka horyaalada yurub ee xili ciyaareedka inagu soo aadan kaddib guuldaro bahdilaad ah oo 3-0 ah oo ay kala kulmeen kooxda Newcastle United maalintii ugu dambaysay horyaalka Premier League.