Goolhayaha Hiilka Ka Helay Tababare Zidane Ee Keylor Navas Oo Ka Hadlay Soo Laabashada Tababaraha Sidoo kalena U Jawaabay Dadkii Eedaynayay.

Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Keylor Navas ayaa ka hadlay soo laabashada tababaraha kooxdiisa ee Zinadine Zidane kaas oo kulankiiugu horreeyay ee tan iyo soo laabashadiisa markale dib usoo xushay goolhayahan ree Costa Rica oo mudo keydka ku jiray.

Navas ayaa xilli horeba isku muujiyay kulankii ay guusha ka gaadheen kooxda Celta Vigo waxaana uu xilli horeba badbaadin qurux badan ku sameeyay darbad madax ah oo kaga timid weeraryahan Maxi Gomez.

Tababarayaashii hore ee Santiago Solari iyo Julen Lopetegui ayaa labaduba ku tiirsanaa Thibaut Courtois oo u ahaa goolhayaha dookha koowaad balse Zidane ayaan ka laba-labayn soo xulashada shaqsigii uu saddexda Champions League ku qaaday.

Navas oo ka warramaya soo laabashada Zidane ayaa sheegay in Zizou uu yahay shaqsi markasta daacad ah dadkana toos ula hadla halka uu dhinaca kale kuwo aan waligood xerada tababarka tagin ku sifeeyay dadkii ku eedeeyay inuu tababarka si liidata u qaato.

Goolhaye Navas ayaa yidhi “Zidane waa mid aad u daacad ah, Qofkasta waxa uu ula hadlaa fool ka fool waxaanan filayaa in ciyaartoygu uu isaga midaas uga mahad naqo, Marka aan la hadlo Zidane ee uu ii sheego waxa uu ku fikirayo waxaan siin doonaa jawaab”

“Qofkii sidaa yidhi (Inaan tababarka ku liito) waa inuu qirasho sameeyaa, Ama waa inuusan aniga i garanayn ama waa inuusan abidkiis tagin Valdebebas (Xerada tababarka Real) noloshiisa oo dhan”

“Waxaad weydiin kartaa qofkasta laga soo bilaabo midka nadiifiya dhulka ilaa kuwa ila tababarta waxa ay dabeecadaydu ahayd, Way iga qoslisaa (In la eedeeyo)”