Goolhaayaha Xulka Qaranka Argantina Nahuel Guzmán Oo Ka Codsaday Saabiibadiis Tango In Ay Hal Arin Ka Caawiyaan Lionel Messi Inta Lagu Guda Jiro Koobka Aduunka 2018.

Goolhaayaha xulka qaranka Argantina Nahuel Guzmán ayaa wuxuu ka codsaday saaxiibadiis kula sugan xulka Tango in ay ka fududeeyaan culeyska saaran xidiga kooxda Barcelona ahna kabtanka xulka ee Lionel Messi inta lagu guda jiro Koobka Aduunka 2018.

Maanta oo khamiis ah ayaa la daah furi doonaa koobka aduunka 2018, waxaana kulanka ugu horeeya wada ciyaari doono martigaliyaasha tartankan ee Russia iyo sidoo kale Saudi Arabia oo ku wada jira Group A.

Lionel Messi ayaa hogaaminay xulka qaranka Argantina koobka aduunka 2018 ee maanta ka furmi doono Russia, xili sanadan loogaga fadhiyo xulka Tango in ay ku guuleystaan koobka aduunka.

Cadaadis fara badan ayaa ceyrsanaya Lionel Mess wuxuuna doonayaa in markii ugu horeesay uu koob kula guuleysto xulkiisa qaranka Argantina, kadib markii ay kusoo fashilmeen kii lagu qabtay dalka Brazil sanadii 2014 oo finalkiisa 1-0 kaga guuleestay dhigooda Germany.

Hadaba goolhaayaha xulka qaranka Argantina Nahuel Guzmán ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay cadaadiska saaran xdiga kooxda Barcelona wuxuuna yiri: “Lionel Messi waa shaqsi aad muhiim inoogu ah, waa inaan mas’uuliyad arintaas iska saarnaa waxa uu ku riyoonayo”

Nahuel Guzmán ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaa waajib nagu ah inaan isaga u dhawaano, saaxiibna uu inoo noqdo, iyo inuu dareemo raaxo, anigana waxaan isku dayi doonaa inaan u dhawaado Koobka Adduunka, korna aan u qaado niyadiisa, haddii uu dareemayo murugo, waxaana isku dayi doonaa inaan garabkiisa ka dabaal dagno”.

Hadaba goolhaayaha xulka qaranka Argantina Nahuel Guzmán ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waa inaan hoos u dhignaa culeyska saaran Lionel Messi”

Si kastaba Argentina ayaa waxay qeyb ka tahay Group D ay ku wehliyaan xulalka Iceland, Nigeria iyo Croatia. Xili uu xulka Tango ka mid yahay xulalka ugu cad cad ee loo saadaalinayo inay ku guuleysan karaan koobka aduunka 2018.