Goolhaayaha Man United Ee David de Gea Oo Ugu Baaqay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Spain Pedro Sánchez Inuu Ku Raali Galiyo Dadweynaha Hortooda.

Goolhaayaha xulka qaranka Spain iyo kooxda Manchester United ee David de Gea ayaa wuxuu ku baaqay in Ra’iisul wasaaraha dalka Spain ee Pedro Sánchez uu ku raali galiyo dadweynaha hortooda, ka dib markii lagu waayay faraxumeyn galmo cunug yar ah.

Ra’iisul wasaaraha dalka Spain ee Pedro Sánchez ayaa dhawaan booqday xulka qaranka Spain isagoo u rajeynay nasiib wacan kahor ka qeyb galkooda koobka aduunka 2018,kaaso khamiista ka furmi doono dalka Russia.

Ka dib markii uu la hadlay Ra’iisul wasaaraha Pedro Sánchez xulka qaranka Spain, qof walbana wuu soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha, marka laga reebo David de Gea, kaasoo wali xasuusan hadalo uu ka dhawaajiyay Pedro Sánchez mudo labo sano kahor.

Pedro Sánchez ayaa ka hadlay koobkii Euro 2016, in David de Gea uu ku lug lahaa sameynta fal galmood ah, ka hor inta uusan xaqiijin, in uu jeclaan lahaa in de Gea uu xulka Spain kala qeyb galo tartankii euro.

David de Gea ayaa wareysi uu siiyay wargeyska AS wuxuu ku dalbaday inuu xaq u leeyahay inuu heli raali galin: “Marka ugu horeesay aan la kulmay eedeyntan, waxaan qabtay shir jaraa’id si aan u beeniyo waxa dhacay, ugu dambetii runta ayaa soo muuqatay, qof walbana wuxuu ogaaday in arintan ay tahay mid been abuur ah”.

Goolhaayaha xulka qaranka Spain ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan raali galin gaar ah ka helay Ra’iisul wasaaraha dalka Spain, kadib sheekadii dhacday, laakiin waxaan doonayaa raali galin inay noqoto dadweynaha hortooda si wax walba loo saxo, Pedro Sanchez wuxuu igu dhaleeceeyay iguna weeraray dadka hortooda si cad, sidaas darteed waxaan u maleenayaa in raali galinta ay ku haboon tahay dadweynaha hortooda”.