Gool Dhalinta Waalida Ah Ee Paco Alcacer Oo Sii Damqaysa Nabarada Barcelona Ee Abaarta Gool Dhalinta Ee Luis Suarez Xilli Ay Barca Qarka U Saaran Tahay Inay Gasho Khalad Taariikhiya.

Gool dhalinta waalida ah ee weeraryahanka xulka Spain iyo kooxda Borussia Dortmund ee Paco Alcacer ayaa ah mid wadne xanuun ku ridaysa jamaahiirta iyo madaxda kooxda Barcelona isla markaana sii damqaysa abaarta goolal la’aaneed ee ku habsatay Luis Suarez.

Alcacer ayaa markale bandhig weyn ka sameeyay kulankii uu xalay xulka Spain 4-1 kaga adkaaday Wales isaga oo laba kamid ah goolashaas dhaliyay, Waxaa sidoo kale xusid mudan inuu xilli horeba yahay gool dhaliyaha ugu sarreeya La Liga oo uu lix gool ku hor-kacayo walow uu kaliya 81 daqiiqo saftay.

Sababta ay Barcelona ku fasaxday xiddigan ayaa u muuqatay mid aan cadayn bishii August sababtoo ah inuu Luis Suarez u baahan yahay weeraryahan kale oo nasiya balse dhawaan ayay ahayd markii Alcacer uu sheegay inuu Dortmund u aaday si uu wakhti uu ku ciyaaro u helo.

Alcacer ayaa u muuqda mid ka faa’idaysanaya in tababaraha Spain loo magacaabay Luis Enrique waxaana uu kamid yahay xiddigaha kala ah Morata, Bartra, Suso Iyo Raul Albiol oo ah xiddigaha aan kalsoonida ka helin tababarihii hore balse haatan u muuqda kuwo uu kalsooni siiyay Enrique.

Heerka gool dhalinta ee Alcacer ayaa ah mid khalad taariikhi ah u horseedaya Barca sababtoo ah inay kooxdiisa haatan ee Dortmund dookh u leedahay inay heshiiskiisa amaahda ah ka dhigto mid joogto ah.

Saxaafada ree Germany ayaa ku doodaysa in Dortmund ay xilli horeba go’aan ku gaadhay inay ka shaqaysiiso qodobka ku jiray heshiiska amaahda ah ee Paco isla markaana ay si rasmi ah ula saxeexan doonto dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, Haddiiba uu Alcacer sii wado bandhigiisa cajiibka ah sidoo kalena ay halkeeda kasii socoto abaarta gool dhalinta ee Luis Suarez waxa ay fadeexad ku noqon kartaa maamulka suuqa ee Barcelona iyo tabababre Ernesto Valverde.