Christian Pulisic vs Aaron Wan-Bissaka Iyo Seddexda Meelood Ee Ay Man United Iyo Chelsea Ku Kala Guulaysan Karaan Kulanka Old Trafford.

Kulankii ugu horeeyay ee Super Sunday ee xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ayaa maanta la ciyaarayaa iyadoo Frank Lampard uu ku bilaabanayo waayihiisa tababare ee Chelsea isagoo kooxdiisa u kaxeynaya Old Trafford halkaasoo ay kula ciyaarayaan Manchester United.

Chelsea awood uma yeelanin inay Manchester United kaga badiso Old Trafford tan iyo xilli ciyaareedkii 2009/10, ‘Super Frankie’ ayaana rajeynaya inuu taasi wax ka bedelo caawa.

Manchester United ayaa iyagana doonaya inay bilow fiican sameeyaan oo ay garaacaan Blues si ay kalsoonidooda u sii dhisanto ka dib markii ay guulo xiriir ah soo gaareen kulamadii xagaaga ee saaxiibtinimo.

Kulanka caawa fiidkii dhacaya waxa uu balanqaadayaa ciyaar madadaalo fiican leh madaama ay qoorta isku galayaan labo ka mid ah kooxaha ugu magaca weyn horyaalka Ingariiska. Hadaba laacib.net waxay eegeysaa seddex iska horimaad oo fure u noqon doona guusha ama guuldarada kulanka Old Trafford.

SIDOO KALE AKHRISO:  Neymar Jr, Pual Pogba, Philippe Coutinho, Gareth Bale Iyo Ciyaartoyda U Baahan In Xabsiga Laga Jabiyo Inta Aanu Barri Suuqa England Xidhmin.

1-Christian Pulisic vs Aaron Wan-Bissaka

Iyadoo Hazard uu baxay, saxiixa cusub ee Chelsea Christian Pulisic ayaa looga baahan yahay inuu kabihiisa buuxiyo haddii ay Chelsea dooneyso inay tartanto sannadkaan. Kulanka maanta ee ay la ciyaarayaan Manchester United ayaana u ah fursad aad u fiican oo uu Pulisic ku so bandhigi karo tayadiisa iyo inaysan Chelsea tabi doonin xiddiga reer Belgium ee xagaagan ku biiray Real Madrid.

Laakiin waxaa howshiiska ka horjoogsan doona saxixia cusub ee Red Devils 22 jirka daafaca midig Aaron Wan-Bissaka kaasoo isku darsaday awood jir ahaaneed iyo orod xawaare dheer ah. Awooda uu Aaron Wan-Bissaka u leeyahay inuu kubada difaacdo marka ay hal ka hal tahay ma jirto wax u dhigma horyaalka Ingariiska.

SIDOO KALE AKHRISO:  Tababare Klopp Oo Qirasho Lama Filaan Ah Sameeyay Kaddib Heshiiskii Coutinho Ee Bayern Munich & Sababta Dhabta Ah Ee Ay U Seegeen Saxeexiisa Oo Uu Caddeeyay.

Christian Pulisic vs Aaron Wan-Bissaka waa dagaal ay sugayaan taageerayaasha dhexdhexaadka ka ah kulanka caawa, waxaana ay saameyn xoogan ku yeelan doontaa natiijada ciyaarta.

Riix 2 aad si aad xogta oo dhan u sii akhriso