GOOBAHA DAGAALKA: Afar Meelood Oo Uu Dagaalka Ugu Weyn Ku Dhex-mari Doono Chelsea & Man United, Qaybta Ay Ka Qaadan Doonaan N’Golo Kante, Pogba Iyo Higuain

Chelsea iyo Manchester United ayaa jilbaha isku dhiganaya kulan xiiso badan oo ah wareegga shanaad ee tartanka FA Cup, kaas oo ka  qabsoomi doona hoyga Blues ee STAMFORD BRIDGE.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo hore farsamadiisu ay usoo sahayatay Arsenal ayaa guul-darradii ugu horreysay waayihiisa Manchester United ee kasoo gaadhay PSG usbuucii hore, waxa uu u dagaallami doonaa inuu iskaga reebo Chelsea oo garoonkeeda joogta.

Chelsea ayaa dhinaceeda raadinaysa guul weyn oo ay iskaga maydho ceebtii ay usoo xambaarisay Manchester City usbuuc ka hor oo kusoo xasuuqday 6-0, waxaana fursadda ugu weyn ee ay haystaan ay u arkaan inay tahay in goolal badan ay kaga adkaadaan Manchester United oo dib usoo noolaatay intii uu shaqada la wareegay Solsjkjaer.

SIDOO KALE AKHRISO:  AKHRISO Oo Ha Yaabin: Toddobaadkan Oo Kale 30 Sano Kahor Waa Horyaalkii Ugu Dambeeyay Ee Liverpool - Dunida Oo Bilaa Internet Ahayd, Taleefanada Gacanta Oo Jeebka Ka Weynaa, Rekoodhkii Suuqa Ee Lixda Milyan Ahaa & Qoddobo Kale.

Blues oo ka hor fadeexaddii Man City khasaare kale oo taariikhda lagu daray uu kasoo gaadhay ciyaartii Bournemouth oo 4-0 kusoo xasuuqday, ayaa waxay geli doontaa xaalad qalalaase ah oo uu tababaruhu jar ka laalaadsami doono haddii uu caawa ugu darsamo khasaare kale oo jamaahiirta niyad-jabiya.

Haddaba, kulankan muhiimka, waxa labada kooxood uu dagaalkooda ugu weyn ka iman doonaa afar jiho oo mid walba saamayn ku yeelan doono natiijjada dhamaadka, meelahaas oo kooxda lagu jabiyo ay guul-darrada xambaaran doonto, halka midda ku gacan sarraysaana ay guusha la hoyan doonto.

1 Paul Pogba vs N’Golo Kante

Paul Pogba waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan tan iyo markii tababaraha Manchester loo  magacaabay Ole Gunnar Solskjaer. Haddii ciyaartan ay Manchester United guul gaadho, waxa qaybta ugu weyn ku leh saamaynta Pogba oo dhamaan kulamadii uu maccallinkan cusub xilka hayey ahaa hormoodka u keena guusha.

SIDOO KALE AKHRISO:  Ciyaartoydii Isku Muujisay, Kuwii Fashilmay Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Liverpool & Southampton Ee Kulankii Reds Guusha Soo Gaadhay.

Waxa uu dhaliyey goolal badan oo muhiim ah, sidoo kalena waxa uu caawiyey kuwo badan oo asxaabtiisu xilliyo loo baahan yahay dhaliyeen.

Sidaas oo kale, N’Golo Kante ayaa aasaasi u ah bandhigga Chelsea, waxaana shaki la’aan u yahay madaalaha ay koox kastaa kasii fikirto halka ay ka marayso ka hor inta aanay ciyaartu bilaabmin. Waxa si toos ah ay iskaga hor iman doonaan Paul Pogba oo ay u wada ciyaaraan xulka qaranka France, hirdankoodana waxa xarun u noqon doonta khadka dhexe oo mdi walba uu ku dedaali doono inuu noqdo midka ku gacan sarreeya.

Dagaalka labadan laacib, midkooda gacan sarreeya, waxa uu kooxdiisa gacanta u gelin doonaa maamulka ciyaarta, isku xidhka iyo dhaqaaq kasta oo muhiim ah, kaas oo ugu dambeyn go’aamin doona kooxda guushu raacayso.

SIDOO KALE AKHRISO:  Wax Ka Ogow Isbedelada Ay Premier League Ku Sameeyeen Sharciga Muuqaal Caawiyaha Garsooraha (VAR) Ee Xilli Ciyaareedkan La Hirgelinayo

Riix 2 ilaa 4 si aad u akhrisato warbixinta oo dhan