Gonzalo Higuain => AC Milan, Lewandowski => Chelsea, Marcos Rojo => Everton & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Salaasa Ah.

Waxaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee gadal heynta suuqa kala iibsiga ee maanta oo Salaasa ah inaga oo halkan ku xusi doona heshiisyada ugu waaweyn isla markaana ugu macquulsan ee saaka lagu hadal hayo suuqa kala iibsiga xiddigaha ee qaarada Yurub.

Kooxaha waaway ee qaarada Yurub ayaa ku jira diyaar garaw weyn oo ay isugu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub ee dhawaan furmi doona iyaga oo suuqa ugu jira sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen xiddigaha ay u arkaan inay iftiimin karaan kooxahooda xilli ciyaareedka dambe.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo koobaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Salaasa ah halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Gonzalo Higuain => AC Milan

Gonzalo Higuain ayaa u muuqda mid isaga leexanaya dariiqa kooxda Chelsea isagoo wadahadalo la yeelayana agaasimaha Milan ee Leonardo, Higuain ayaa doorbidaya inuu sii joogo horyaalka Serie A halkii uu la shaqayn lahaa tababarihiisii hore ee Maurizio Sarri. (Calciomercato)

Robert Lewandowski => Chelsea 

Kooxda oo xilli ciyaareedkii hore u dhibtootay weeraryahan xumo ayaa markan xooga saari doonta weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski, Tababarah Bayern ee Niko Kovac ayaa dhawaan sheegay in Lewy uu baaqi kusii ahaan doono kooxda. (Sky Germany)

Victor Lindelof => Lyon

Kooxda Lyon ayaa dalab ka gudbisay daafaca dhexe ee Manchester United ee Victor Lindelof balse Red Devils ayaa dalabkaas si deg deg ah ugu celisay kooxda ree France. (L’Equipe)

Marko Pjaca => Fiorentina

Kooxda Fiorentina ayaa u muuqata mid ku guulaysatay saxiixa weeraryahanka kooxda Juventus ee Marko Pjaca, Viola ayaa Pjaca ku qaadanaysa sanad amaah ah iyagoo ikhtiyaar u haysta inay si rasmi ah ugula saxeexdaan 22 Milyan. (Corriere Dello Sport)

Geoffrey Kondogbia => Tottenham Hotspurs

Kooxda Tottenham oo hore diirada ugu haysay saxiixa khadka dhexe ee Barcelona ee Andre Gomes ayaa kaddib dhaawacii xiddigaas u jeedsanaysa dhinaca khadka dhexe ee Valencia ee Geoffrey Kondogbia (France Football)

Joaquín Correa => Lazio 

Kooxda Lazio ayaa ku guuleysatay saxiixa Joaquín Correa oo ka tirsan kooxda Sevilla, Correa ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda ka dago gegida diyaaradaha ee magaalada Rome si uu u dhammaystiro ku biirista Lazio. (El Mundo Deportivo)

Matias Vecino => Chelsea

Kooxda Chelsea ayaa dhigeeda Inter Milan kala xaajoonaysa suurogalnimada ay ku heli karto khadka dhexe ee kooxdaas ee Matias Vecino, Inter ayaa ku dalbanaysa 26 jirkan lacag 32 Milyan ah. ( La Gazzetta dello Sport)

Sime Vrsaljko => Inter Milan

Daafaca Atletico Madrid ee Sime Vrsaljko ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda hooryaalka Talyaaniga ee Sime Vrsaljko, Daafacan ayaa iska diiday kooxo ay kamid yihiin Napoli iyo Bayern Munich si uu ugu biiro Inter. (Tuttomercatoweb)

Simone Zaza => Torino

Kooxda Torino ayaa wadahadallo la furtay kooxda ree Spain ee Valnecia wada xaajoodkaas ayaa la fahamsan yahay inuu ku aadan yahay sidii ay Torino horyaalka Talyaaniga ugu soo celin lahayd weeraryahanka Simone Zaza. (Tuttosport)

Marcos Rojo => Everton

Tababaraha Everton ee Marco Silva ayaa liiska xiddigaha uu doonayo ku darsaday daafaca dhexe ee Manchester United ee Marcos Rojo, Man United ayaa la filayaa inay daafaceeda ku dalban doonto lacago 30 Milyan ah. (Daiily Mirror)