GOLDEN BOOTS: Waa Sidee Kala Sarreynta Gooldhalinta Ee Horyaalada Premier League & La Liga Kaddib Min 7 Kulan Oo La Ciyaaray, Messi Oo Laga Sarreeyo Iyo Hazard Oo La Celin la’yahay.

Horyaalada ugu xiisaha badan qaarada Yurub ee La Liga iyo Premier League ayaa kaddib min toddoba kulan oo la ciyaaray durtaba u muuqda kuwo qaabaysmay isla markaana lagu ogaaday kooxaha tartanka dhabta ah u diyaarka ah xilli ciyaareedkan ee ay ka go’antahay u dagaalanka horyaalku.

Si lamid ah loolanka ay kooxaha ugu waaweyn qaarada Yurub ugu jiraan hanashada koobab wadareed waxa dhinacooda loolan aan sahlanayn ku jira weeraryahanada ugu dilaasan horyaaladaas oo isha la raacaya hanashada abaalmarinaha kabaha dahabka ah (Golben Boots).

Haddaba, Waxaan warbixintan kusoo qaadan doonaa miiska kala sarreynta ee gool dhalinta horyaalada Premier League iyo La Liga oo durtaba loolan adagi ka dhex muuqdo.

Premier Leageu:

Xiddiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa lix gool ku hor kacaya gool dhalinta horyaalka Premier League, Hazard oo hore loogu eedayn jiray goolal yaraan ayaa u muuqda shaqsi isku bedelay mashiin dhinaca goolasha ah waxaana uu horumar weyn ka sameeyay bar-tilmaamedyada guuleysta ee goolka lala beegsado.

Weeraryahanka Fulham ee Aleksandar Mitrovic, Midka Manchester City ee Sergio Aguero iyo gool dhaliyaha Tottenham ee Harry Kane ayaa ah shaqsiyaadka kusoo xiga xiddiga ree Belgium iyaga oo min shan gool leh.

  1. Eden Hazard => 6
  2. Aleksandar Mitrovic => 5
  3. Harry Kane => 5
  4. Sergio Kun Aguero => 5
  5. Glen Murray => 4
  6. Marco Arnautovic => 4
  7. Raheem Sterling => 4
  8. Romelu Lukaku => 4
  9. Sadio Mane

La Liga

Dhinaca kale, Gool dhalinta horyaalka La Liga ayaa u muuqata mid aad u xiiso badan, Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo ah shaqsiga saadaasha ugu badan ee abaalmarintaas helaya ayaa u muuqda mid loolan xoogan galaya.

Da’yarka amaahda ku jooga Sevilla ee Andre Silva ayaa u muuqda mid buuxinaya booskii loolan ee uu saaxiibkiisa xulka ee Cristiano Ronaldo ka baneeyay La Liga isaga oo Messi ku adkaynaya Golden Boot-ka xilli ciyaareedkan kaddib toddoba gool oo uu ilaa haatan dhaliyay.

Dhinaca kale weeraryahanka kooxda Girona ee Christian Stuani oo xilli ciyaareedkii horeba lahaa heer gool dhalineed oo wanaagsan ayaa kor u kac sameeyay xilli ciyaareedkan isaga oo leh lix gool hal goolna ka sarreeya Lionel Messi oo shan gool leh.

  1. Andre Silva => 7
  2. Christian Stuani => 6
  3. Lionel Messi => 5
  4. Lago Aspas => 5
  5. Karim Benzema =>4
  6. Roger Marti => 4
  7. Wissam Ben Yedder => 4
  8. Angel => 3
  9. Gareth Bale => 3
  10. Ibai Gomez