GO’AAN: Xiddigii Ugu Soo Muhiimsanaa Liverpool Xilli Ciyaareedkii Hore Ee Virgil Van Dijk Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Reds – Miyuu Baxayaa Mise?

Daafaca dhexe ee kooxda Liverpool soona ahaa xiddigii ugu muhiimsanaa kooxdaas xilli ciyaareedkii hore ee Virgil Van Dijk ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan ka qaatay mustaqbalkiisa dhaw iyo halka uu ka ciyaarayo.

Van Dijk ayuu xilli ciyaareedkii dhawaa usoo ahaa midkiisii ugu horreeyay ee uu si dhammaystiran ula qaato kooxda Jurgen Klopp ayaa kooxdiisa kusoo hoggaamiyay hanashada UEFA Champions League iyo inay booska labaad ka galaan Premier League.

Haddii ay noqoto dhinaca abaalmarinaha shaqsiga ah VVD ayaa kusoo guuleystay abaalmarintii ugu muhiimsanayd ee Premier League ee ah PFA ama xiddigii sanadka.

Waxa intaas oo dhan dheer in Van Dijk uu isha ku hayo abaalmarinta shaqsiga ah ee ugu weyn taas oo ah hanashada Ballon d’Or oo haatanba dad badani u arkaan mid u qalma inuu ku guuleysto.

Si kastaba, Melissa Reddy oo ah wariye ka qayb ah ESPN ayaa soo warisay xog cusub oo ku saabsan go’aan uu ka qaatay mustaqbalkiisa waxaana ay sheegayaa inuu mustaqbalkiisa dhaw u hibaynayo Liverpool.

“Virgil Van Dijk waxa uu kooxda ku war-geliyay inuu doonayo inuu heshiis cusub saxeexo kaddib kaliya 18 bilood markii uu kaga soo biiray Southampton” Ayay tidhi wariye Melissa Reddy.

28 jirkan ayuu heshiiskiisa haatan ee Reds yahay mid ku eeg ilaa sanadka 2023 balse inuu sii kordhiyo qandaraaskaas ayaa quus gelin doonta koox kasta oo doonaysay inay wakhtiyada soo socda la saxeexato.

Si lamida Virgil sidoo kale wariye Melissa Reddy ayaa sheegtay in Liverpool ay ku rajo weyn tahay inuu heshiis cusub kooxdeeda u saxeexi doono weeraryahanka ree Belgium ee Divock Origi.