GO’AAN: Waa Kuma Xidiga Aduunka Ugu Fiican Ee Aan Ahayn Lionel Messi & Cristiano Ronaldo? Jamaahiirta Calaamka Oo Cod Buuxda Ku Go’aamiyay.

Jamaahiirta kubbada cagta aduunka ayaa isku raacsan in Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo yihiin labada xidig ee aduunka ugu fiican haddii ay ku guulaystaan abaal marinta Ballon d’Or iyo haddii kaleba balse waxay hadda dooda ugu wayni jirtaa xidigaha kale ee aduunka ugu fiican ee Messi iyo Ronaldo ku soo xiga.

BBC Sports oo ka mid ah warbaahinta ciyaaraha ee akhristayaasha ugu badani aduunka kaga xidhan yihiin ayaa codbixin ka samaysay xidiga aduunka ugu fiican haddii meel la dhigto Messi iyo Ronaldo, waxaana soo baxay liiska 9 ciyaartoy oo ku soo xiga xidiga kaalinta kowaad loogu codeeyay.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa tobankii sandood ee ugu danbeeyay ku soo tartamayay abaal marinaha ugu sareeya waxaana mar khaati u soo noqday ciyaartoy ay ka mid yihiin Neymar, Antoine Griezmann, Manuel Neuer, Frank Ribery, Andres Iniesta, Xavi Hernandez iyo Fernando Torre.

Laakiin wali waxaa jira ciyaartoy badan oo magacooda la soo qaado marka la dhaafo Messi iyo Ronaldo waxaana ka mid ah Eden Hazard, Neymar Jr, Mohamed Salah, Kevin De Bruyne, Luka Modric iyo xidigo la mid ah.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa natiijada codbixintii BBC Sports ee lagu ogaanayay in jamaahiirta kubbada cagta aduunku ay kala go’aamiyaan ciyaartoyda aduunka ugu fiican marka aan codbixinta lagu darin Ronaldo iyo Messi.

Eden Hazard ayaa loo doortay xidiga aduunka ugu fiican marka laga yimaado Messi iyo Ronaldo wuxuuna helay boqolkiiba 31% codbixintii lagu go’aamiyay xidiga Messi iyo Ronaldo ku soo xiga ee aduunka ugu fiican isaga oo ugu dhawaan helay laba jibaarka codadka xidigaha ku soo xiga.

Kylian Mbappe iyo Luka Modric ayaa isku babrar dhacay waxaana loo doortay xidigaha ku soo xiga Eden Hazard ee ka sii danbeeya Messi iyo Ronaldo waxayna codbixintan ka heleen min boqolkiiba 16%.

Laakiin waxaa layaab noqotay in Neymar Jr uu codbixintan ka helay boqolkiiba 9% kaliya wuxuuna noqday xidiga afraad ee aduunka ugu fiican marka aan la xisaabin Messi iyo Ronaldo laakiin Mohamed Salah iyo Kevin De Bruyne ayaa min boqolkiiba 8% kaliya helay waxayna ku jiraan kaalinta shanaad.

Boqolkiiba 5% ayay heleen dhamaan ciyaartoyda kale ee aan liiska codbixintan ka soo muuqan oo loo soo qaatay erayga “Other” oo ah ciyaartoyda aan codka ka soo muuqan balse tayo fiican leh balse waxaa sidoo kale layaab noqotay in Virgil Van Dijk uu ka sare maray Antoine Griezmann oo ka mid ah musharxiinta Ballon d’Or ugu cad cad.

Halkan kaga bogo Qaabkii Jamaahiirta Caalamku ay u go’aamiyeen Ciyaartoyda aduunka ugu fiican marka aan codbixinta lagu darin Ronaldo iyo Messi.

1. Eden Hazard – 31%
=2. Kylian Mbappe – 16%
=2. Luka Modric – 16%
4. Neymar – 9%
=5. Mohamed Salah – 8%
=5. Kevin De Bruyne – 8%
7. Other – 5%
8. Virgil van Dijk – 4%
9. Antoine Griezmann – 3%

Haddaba akhriste, adigu codbixintan ma ku raacsan tahay in Eden Hazard uu yahay xidiga aduunka ugu fiican ee ku soo xiga Messi iyo Ronaldo? Sido kale qaabka codbixintanu u dhacday ma tahay si aad ku qanacday ee qaabka kala saraynta?

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.