GO’AAN: Jamaahiirta Kubbada Cagta Brazil Oo Go’aamiyay Xidigihii Dalkooda Ugu Fiicnaa Ee Ka Danbeeyay Pele Iyo Doodii Neymar Oo Fashil Ku Dhamaatay.

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxday dood muran dhalisay oo lagu sheegay in Neymar Jr uu yahay xidigii labaad ee abid ugu fiicnaa taariikhda Brazil waxaana kaalinta labaad looga dhigay Pele taas oo keentay in ay dad badan u cuntami wayday waxaana warkaas qoray majalada dalka Brazil ka soo baxda ee Placar.

Jose Mourinho ayaa ka mid ahaa dadkii ku gacan saydhay majalada Placar ee tilmaamay in Neymar Jr aanu wali la heer ahayn halyayo badan oo Brazil guulo ku soo hogaamiyay wuxuuna Mourinho ku dooday in Neymar uu marka hore u baahan yahay in uu xulkiisa Brazil guulo ku hogaamiyo si loo barbar dhigi karo magacyo waa wayn oo aanu hadda u arkayn in uu gaadhay heerkoodii.

Dooda ayaa sii socota waxaana codbixin jamaahiirta Brazil ka qaaday ESPN Brasil iyada oo la soo taxay liiska ciyaartoy magac wayn ku yeeshay kubbada cagta Brazil waxayna codbixintan ku go’aamiyeen kaalinta uu Neymar Jr kaga jiro taariikhda kubbada cagta dalkooda Brazil iyo waliba xidigaha badan ee ka horeeya.

Codbixinta laga sameeyay ESPN Brasil ee magacyadii kubbada cagta Brazil ugu fiicnaa waxaa ka qayb qaatay jamaahiir badan oo gaadhaysa 160,000  waxayna si cad u go’aamiyeen in Neymar Jr uu yahay xidiga 11 aad ee Brazil ugu fiican balse aanu xataa ka soo ag dhawayn kaalmaha hore.

Neymar Jr ayaa codbixintan kaalinta 11 aad ka galay waxaana ka horeeya magacyo waa wayn oo markii hore laga horaysiinayay waxaana xidigii labaad ee taariikhda Brazili ugu fiicnaa loo doortay Ronaldo kaas oo helay codkii ugu badnaa marka laga reebo Pele oo ayna isaga cidi ku muran sanayn in uu yahay kan abid taariikhda kubbada cagta Brazil ugu fiican.

Ronaldinho ayaa loogu codeeyay in uu yahay xidigii saddexaad ee taariikhda kubbada cagta Brazil ugu fiican waxaana codkan go’aamiyay isla jamaahiirta Brazil ee ka qayb qaatay sahana codbixinta ee uu sameeyay ESPN Brazil.

Romario ayaa kaalinta saddexaad loogu doortay xidigii saddexaad ee Brazil ugu fiicnaa waxaana kaalinta afraad buuxiyay Zico halka Rivaldo uu noqday xidiga shanaad ee taariikhda Brazil ugu fiican.

Haddaba halkan kaga bogo Qaabka ay Jamaahiirta kubbada cagta Brazil u go’aamiyeen xidigaha taariikhda kubbada cagta dalkooda ugu fiican iyo sida ay u kala sareeyaan ee ciyaartoyda Pele ku soo xiga.

11. Neymar

10. Careca

9. Falcao

8. Cafu/Roberto Carlos/Bebeto (Others)

7. Kaka

6. Socrates

5. Rivaldo

4. Zico

3. Romario

2. Ronaldinho

1. Ronaldo

Haddaba akhriste, adigu miyaad filaysaa in codbixintani tahay midii ugu haboonayd ee lagu go’aamiyay xidigihii kubbada cagta Brazil ugu fiicnaa Pele kadib? Haddii aanad codbixintan u arkayn in ay saxan tahay waa kuwee xidigihii Brazil ugu fiicnaa kadib Pele?