GO’AAN: Da’yarka Real Madrid Ee Vinicius JR Oo Go’aan Ka Gaadhay Dalabka PSG Ee Ah In Lagu Daro Heshiiska Neymar Ee Madrid – Miyuu Aqbalay Mise?

Da’yarka kooxda Real Madrid ee Vinicius JR ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan ka gaadhay wararka la xidhiidhinaya kooxda Paris Saint-Germain oo doonaysa in Madrid ay kusoo darto heshiiska ay kaga doonayso Neymar JR.

Vinicius ayaa kaliya hal xilli cuyaareed ku qaatay caasimada Spain waxaana uu ahaa mid kamid wanaagyada kaliya ee ku dhex jiray xilli ciyaareedkii hore oo musiibo ku ahaa Los Blancos kahor intii uusan dhaawaca darani gaadhin.

Vinicius ayaa loo arkaa mustaqbalka fog ee Estadio Santiago Bernabeu madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaana u arka mid wakhti uun noqon doona hoggaanka kooxdiisa.

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in agaasimaha ciyaaraha Paris ee Leonardo uu maamulka Real Madrid ka codsaday inay usoo wareejiyaan Vinicius haddiiba ay doonayaan inay ka helaan Neymar.

Haatan wargeyska ESPN ayaa sheegaya in Vinicius uu isaguna gaadhay go’aankiisa shaqsiga ah isla markaana uu go’aansaday inuu joogo kooxdiisa Real Madrid isla markaana uu doonayo inuu qayb ka noqdo safka tababare Zinadine Zidane ee xilli ciyaareedka cusub.

Vinicius ayaan wali helin fursad dhammaystiran oo uu iskugu muujiyo tababare Zidane maadaama oo uu dhaawac ku maqnaa mudadii uu tababaraha ree France kooxdu kusoo laabtay balse haatan ayuu diyaar u yahay inuu xubin muhiim ah ka noqdo safkiisa.

ESPN ayaa sheegaya in shaqsi ka socda Madrid ama PSG uusan wax wada xaajood ah oo ku saabsan heshiis uu Paris ugu wareegayo uusan kala hadal Vinicius isla markaana da’yarkani aanu wax fikir ah ku bixinayn inuu koox bedelasho sameeyo.