GO’AAN: Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Saxeexa Xiddiga U Fududayn Kara Mustaqbalka Neymar JR Ee Philippe Coutinho, Miyaa Camp Nou Laga Dirayaa?

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay go’aan ka qaadatay xiddiga kooxdeeda bandhiga aan wanaagsanayn kusoo muujiyay xilli ciyaareedkii hore ee Philippe Coutinho.

Coutinho ayaa 18 bilood kahor Camp Nou kaga soo biiray dhinaca kooxda Liverpool isaga oo heshiiskii lagula kala wareegay uu ahaa mid ku qabsoomay 142 Milyan balse marnaba ma uusan muujin sababta lacagtaas looga soo bixiyay.

Coutinho ayaa cadaadis kala kulmay jamaahiirta Barcelona waxaana uu sidoo kale kulamo badan ku fashilmay inuu kusoo baxo shaxda tababare Ernesto Valverde.

Iyadoo ay sidaas tahay ayay haatan Barcelona doonaysaa inay markale dib ula soo saxeexato Neymar JR oo Paris Saint-Germain ka tirsan isla markaana ahaa xiddigii markii uu baxay ay lasoo wareegeen Coutinho.

Coutinho ayaa udub dhaxaad u noqon kara heshiis uu Neymar ugu soo laabto Barca waxaana uu haatan gabi ahaanba ka baxay qorshayaasha xilli ciyaareedka cusub ee Valverde sida laga soo xigtay wargeyska Marca.

Kaddib go’aankaas uu gaadhay Valverde, Barca ayaa u baahan doonta inay Coutinho ku darto heshiiska ay Neymar kaga soo wadayso Parc des Princes waxaana ay haddii kale ku qasbanaan doonaan inay marka hore iibiyaan si ay lacag uga sameeyaan.

Coutinho ayaa markale si layaab leh loola xidhiidhinayaa kooxdiisii hore ee Liverpool balse waxaan sidoo kale meesha ka maqnayn xiiso uu ka helayo kooxda kale ee Premier League ee Man United iyo Chelsea.

Ugu dambayn, Imaatinka Neymar ayaa albaabka ka saari doona xiddigo dhawr ah oo haatan kamida safka Barcelona waxaana kamida Ousmane Dembele, Coutinho iyo Malcom iyadoo marka horeba ay qasab ahaan doonto inay ciyaartoy iibiso Barca si ay u buuxiso sharciga EU.