GO’AAN: Aubameyang Oo Go’aan Ka Qaatay Xiisaha Uu Ka Helayo Man United – Miyuu Wadadii Alexis Sanchez U Mari Doonaa Old Trafford?

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre Emerick-Aubameyang ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan ka gaadhay xiisaha la sheegayo inuu ka helayo kooxda Manchester United ee ay Gunners Premier League ku xifaaltamaan.

Xilli ciyaareedkii hore ayaa soo ahaa shamac u baxaya Arsenal kaddib markii uu abaalmarinta gool dhalinta horyaalka kula guuleystay xiddigaha Liverpool ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo ay min 22 kusoo dhammaysteen.

Xilli ciyaareedkaas wanaagsan ee uu soo qaatay ayay macquul tahay inuu haatan dhibaato ku noqdo kooxdiisa maadaama oo ay kooxaha ay la tartamaysaa doonayaan inay ka faa’idaystaan xaalada ay ku jirto.

War cusub oo maanta soo baxay ayaa sheegaya in weeraryahanka ree Gabon uu ku fikirayo inuu dhabarka u jeediyo kooxdiisa haatan isla markaana uu qayb ka noqdo qorshaha uu Solskjaer ka wado Manchester.

Wargeyska caanka ka ah dalka Talyaaniga ee Tuttospot ayaa sheegay war ay ka naxeen jamaahiirta Gunners maadaama oo uu shaaciyay in Auba uu siiyay jawaabta “HAA” dalabaadka kasoo gaadhaya Red Devils.

Inuu 31 gool kusoo dhaliyay 51 kulan oo tartamada oo dhan ah ayaa Man United wax weyn ku kordhin lahayd halka sidoo kale ay dhirbaaxo iyo boos weyn oo ku banaanaaday kooxdiisa ku noqonayso inuu baxo.

Dhinaca kale in tababare Ole Gunnar Solskjaer uu Arsenal oo ay toos u xifaaltamaan kasoo qaato xiddigeeda ugu muhiimsan ayaa muujin doonta sida uu suuqa xagaagan u samaynayo ganacsi weyn.