GO’AAN: Antoine Griezmann Oo Shaaciyay Waqtiga Lagu Dhawaaqayo Go’aankiisa Mustaqbalka-Miyuu Barcelona Ku Biirayaa Mise Atletico Madrid Ayuu Sii Joogi Doonaa?

Gool dhaliyaha kooxda Atltico Madrid iyo xulka qaranka France ee Antoine Griezmann ayaa shaaciyay in ugu danbayn lagu dhawaaqi doono go’aankiisa uu ka qaaday mustaqbalkiisa. Antoine Griezmann ayaa sheegay in todobaadkan lagu dhawaaqi doono halka uu mustaqbalkiisu yaalo taas oo noqon doonta in uu Barcelona ku biirayo ama in uu ku sii nagaan doono kooxdiisa Atletico Madrid.

Kadib markii uu Antoine Griezmann cadaadis kala kulmay tababaraha xulka qarankiisa Deschamps kaas oo doonaya in ka hor bilawga koobka aduunka ee June 14, la xaliyo dhamaan wararka suuqa ee xidigaha qarankiisa ayuu Antoine Griezmann cadeeyay in isla todobaadkan la ogaan doono go’aanka uu qaatay.

Antoine Griezmann ayaa isna hore u sheegay in uu doonayay sidii uu koobka aduunka u bilaaban lahaa isaga oo aan ka fikrayn mustaqbalkiisa heerka kooxood si uu diirada u saaro waajibaadka xulka qarankiisa France ee koobka aduunka laakiin waxaa si wayn ula jiitamay waqtigii uu go’aankan qaadan lahaa.

Antoine Griezmann oo aan qaadan habeen fiican intii lagu jiray kulankii ay France la ciyaareen USA isla markaana lagu badalay xidiga Liverpool diirada u saaran ee Nabil Fekir ayaa cadeeyay in todobaadkan la ogaan doono mustaqbalkiisa iyo halka uu ka ciyaari doono.

Antoine Griezmann oo ka jawaabaya waqtiga go’aannkiisa mustaqbal la ogaan doono ayaa yidhi: ” Waa wax fiican in aad xiisaynayso, waxaa hadhsan hal todobaad, waxaan filayaa in aynu ogaan doono (go’aanka) todobaadkan”.

Antoine Griezmann ayaa Atletico Madrid ku soo biiray sanadkii 2014 kii wuxuuna heshiiskiisu dhacayaa 2022 laakiin kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay bixiso lacagta 100 miyan euros ah ee qandaraaskiisa lagu burburin karo waxaana maalmaha fooda inagu soo haya la ogaan doonaa haddii uu Barca ku biirayo ama uu Atletico ku sii nagaan doono.

Afar maalmood oo kaliya ayaa ka hadhsan bilawga koobka aduunka, waxaana la filayaa in ay tahay waqtiga uu Antoine Griezmann  ku caday doono go’aankiisa si uu u fuliyo amarka tababaraha xulka qarankiisa Didier Deschamps ee sabtidii sida cad u sheegay in ka hor inta ayna Russia u duulin arimaha suuqa la xaliyo.