Gianluigi Buffon Oo Saadaaliyay SADDEX Kooxood Oo Midkood Hanan Doonto Champions League, Miyuu Real Madrid Ka Reebay Tartanka?

Goolhayaha halyeeyga ah ee ree Talyaani haatana qaybta ka ah kooxda Paris Saint-Germain ee Gianluigi Buffon ayaa saadaal ka bixiyay kooxaha xilli ciyaareedkan hanan kara tartanka Champions League isagoo saddex kooxood si gaar ah u tilmaamay.

Kooxda Buffon ee PSG ayaa caawa qaabili doonta dhigeeda Liverpool kulan guul ama geeri ah waxaana uu kahor kulanka caawa tartanka saddexda kooxood ee ugu cad cad UCL ka saaray Reds walow uu si gaar ah u xusay fursada kooxda Jurgen Klopp.

Ruug cadaagan ayaa aamisan in kooxaha Barcelona, Manchester City iyo kooxdiisii hore ee Juventus ay yihiin kuwa ugu cad cad sanadkan waxaana uu gabi ahaanba liiska ka saaray kooxda saddexdii sano ee ugu dambeeyay tartankan ku guuleysatay walow uu sheegay inay xusid mudan yihiin.

Buffon ayaa yidhi “Xilli ciyaareedkan waxaana kooxaha ugu cad cad Champions League u arkaa Manchester City, Barcelona iyo Juventus, Sidoo kale Liverpool waxay haysataa fursad weyn inaga oo aan marnaba iloobi karin Real Madrid”

“Dabcan anigu wali waxaan ku riyoodaa inaan iskay ugu guuleysto Champions League, Xilli ciyaareedkii hore waxaan filayay inuu yahay fursadaydii ugu dambaysay laakiin hada waxaan haystaa fursad kale”

Saddexda kooxood ee uu Buffon ku tilmaamay kuwa ugu cad cad xilli ciyaareedkan ayaa dhammaantood haatan iska xaadiriyay wareega 16-ka kooxood ee tartankan.

Manchester City ayaa bar-bardhac ay la gashay Lyon ku gaadhay wareega 16-ka, Barcelona ayaa kulankii horeba heerkaas gaadhay halka Juventus ay wareegaas iskaga xaadirisay kulankii ay xalay ka adkaadeen Valencia.

Buffon ayaa saddex kamidah afartii sano ee ugu dambeeyay ku dhawaaday inuu hanto tartankan, Laba kamid ah ayuu Finalada ku fashilmay halka uu xilli ciyaareedkii hore wareega afar dhammaadka ku hadhay sababta Real Madrid.