Geesiyaasha Koobka Adduunka Ee Waligood Aan La Iloobi Doonin Oo La Shaaciyey Iyo Magacyada 25-ka Xiddig Ee Lasoo Xulay

Xiddigaha Koobka Adduunka kasoo dhaliyey goolasha cajiibka ah ee saamaynta badan yeeshay, taariikhdana aan la illoobi doonin qaabkii ay dariiqyada waddamadooda uga abuureen dabbaal-deg wareer ah.

Koobka adduunka ee 2022 oo ay ka hadhsan yihiin wax ka yar laba sannadood xilliga uu qabsoomayo, waxa sannadihii ugu dambeeyey wacdarahooda lasii xasuusan yahay Antoine Griezmann, Klose, Andres Iniesta, Ronaldo Nazario, Zinedine Zidane, Diego Maradona iyo Pele oo dhaliyey goolal cajiib ahaa oo dalalkooda u horseeday inay ku guuleystaan Koobka adduunka, laakiin waxa iyaguna jiray xiddigo kale oo sidooda oo kale dhaliyey goolal qurux badan laakiin aan nasiib u yeelanin inay hantiyaan koobka sida Lionel Messi.

Goolasha xamaasadda leh ee aan taageereyaasha ka go’in xasuustooda, sababtana u noqday in jamaahiir iskugu soo baxday jidadka waddooyin badan loo xidho, waxay u badan yihiin kuwo la dhaliyey kulanka furitaanka.

Waddamada Afrika waxa ay baal dahab ah ku suntadeen Koobkii Adduunka ee 2010 lagu qabtay waddanka Koonfur Afrika oo ahaa midkii kali ahaa ee taariikhda ay qaaradda Madow martigeliso iyo Koobkii Adduunka ee 2002 oo waddanka Senegal uu burburiyey dalal waaweyn sida Faransiiska oo koobka difaacanayay.

Halkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa qiimayn lagu sameeyey 26kii gool ee ruxay fagaareyaasha iyo dariiqyada ee sababta u noqday in dabbaal-degyo waaweyn ay ka dhacaan dalalkooda.

Xiddigii hore ee Manchester United, Atletico Madrid iyo Villarreal ee Diego Forlan ayaa kaalinta  koowaad kaga galay qiimayntan, kaddib markii uu bandhig lala yaabay ka sameeyey Koobkii Adduunka 2010 oo uu ku guuleystay Kabta Dahabka ah.

Halkan ka akhriso 26-ka laacib ee xasuusta aan ka go’aynin:

1. Diego Forlan

2. Josimar

3. Fabio Grosso

4. Keisuke Honda

5. Gabriel Batistuta

6. Bebeto

7. Enner Valencia

8. Saeed Al-Owairan

9. Oliver Kahn 

10. Denis Cheryshev

11. Roger Milla

12. Miroslav Klose

13. Siphiwe Tshabalala

14. Jon Dahl Tomasson

15. Yordan Letchkov

16. Carlos Valderrama

17. Tim Krul

18. Theo Whitmore

19. Salvatore Schillaci

20. Ahn Jung-hwan

21. Zé Roberto

22. Rüştü Reçber

23. Oleg Salenko

24. James Rodriguez

25. Robert Vittek

26. Yerry Mina

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook