Gary Neville Oo Saadaaliyay Kaalinta Ay Man United Kaga Dhamaysan Karto Premier league-Mourinho & Jamaahirta Red Devils Oo Aan Ku Farxi Doonin.

Khabiirka Sky Sports ahna halyaygii hore ee kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa maqaal uu ku qoray wargayska The Times waxa uu ku saadaaliyay kaalinta ay kooxdiisii hore ee Red Devils kaga dhamaysan doonto horyaalka Premier league waana saadaal aanu soo dhawayn doonin taageere kasta oo United ah iyo Jose Mourinho.

Gary Neville ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ee Man United ayna u tartami karin koobka Premier league xili ciyaareedkan wuxuuna rumaysan yahay in kooxda uu Jose Mourinho hogaaminayaa ayna lahayn awoodii ciyaareed ee ay kula tartami lahayd kooxaha waa wayn ee horyaalka Ingiriiska.

Gary Neville oo ka hadlyaaya kooxdiisii hore ee Man United ayaa yidhi: “Wali waxaan rajaynayaa in nooc maskax qabsasho ah ay in ka badan wax walba u samayn karaan tartan, xaqiiqdii taasi dadka ayaay qasaysaa. Haddii ay sii joogaan ilaa January 2019 isla markaana ay la soo saxiidaan hal ama laba difaac, waxaa suurtogal ah in ay fursad helaan, laakiin anigu waan ka shakisanahay”.

Gary Neville oo hadalkiisa hoos ugu sii degaya isla markaana si buuxda u saadaalinaya kaalmaha uu filayo in Man United ay Premier league kaga dhamaysan doonto ayaa yidhi: “Anigu waxaan filayaa in Uited ay ku jiri doonto saddexaad ama afraad”.

Gary Neville ayaa hadalkiisa sii raaciyay: ” Rumayso ama ha rumaysan, anigu waxaan jeclaystay kulankii Tottenham ( Ee United 3-0 ku guuldaraysatay) khaas ahaan 40 kii daqiiqo ee hore. Waxaan daawaday kulankii Burnley, inkasta oo xaqiiqdii uu wax fiican ahayd, waxaan rajaynayaa in ay dhinaca kale u dhigi doonaan”.

Manchester United ayaa kulamada shanaad ee Premier league booqan doonta kooxda duulaysa ee Watford oo afartii kulan ee ugu horeeyay soo guulaysatay isla markaana Tottenham ka jabisay rekoodhkii guuldaro la’aanta ee xili ciyaareedkan.