Gary Lineker Oo Dhawr Kalmadood Ku Burburiyay Jose Mourinho Iyo Falcelintii Taageerayaasha.

Khabiirka BBC Sport iyo BT Sport ee Gary Lineker oo ka mid ah wariyaasha ugu saamaynta badankubbada cagta England ayaa dhawr kalmood ku ganacay macalinkii hore kooxda Manchester United ee Jose Mourinho.

Jose Mourinho ayaa markii ugu horaysay ku soo laabtay Old Trafford tan iyo markii shaqada tababaranimo ee Man United laga caydhiyay dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay, wuxuuna Mourinho bilawday shaqadiisa cusub ee Sky Sports.

Gary Lineker ayaan wax naxariis ah u samayn Jose Mourinho kadib markii ay Manchester United guul wayn oo 4-0 ah xalay ka gaadhay kooxda Chelsea wuxuuna ahaa kulan uu Mourinho goob joog ku ahaa Old Trafford.

Gary Lineker ayaa ku maadsaday Jose Mourinho wuxuuna ku kaftamay in bandhigii ugu fiicnaa ee ay Manchester United samaysay iyada oo Mourinho uu joogo Old Trafford ay ahayd ciyaartii ay Chelsea guusha wayn kaga gaadheen taas oo uu ugu duur xulay waqtigii adkaa ee uu Mourinho ku soo qaatay Red Devils.

SIDOO KALE AKHRISO:  Barcelona Hasoo Buuxiso Halkan Shuruud Kaddibna Hala Wareegto Neymar - Wariye Banaanka Soo Dhigay Waxa Ugu Dambayn Qancin Kara PSG.

Taageerayaasha kubbada cagta ayaa si waali ah uga falceliyay qoraalka kooban ee uu Gary Lineker  soo dhigay bartiisa twitterka ee uu Jose Mourinho ugu maadsaday iyada oo lagu kala fikir duwanaaday arintan.

Ugu horayn Gary Lineker ayaa Jose Mourinho u soo qoray: “This is definitely Man Utd’s best performance with Mourinho at Old Trafford.”

Wuxuuna qoraalkan micnihiisu yahay: “Kani xaqiiqdii waa bandhigii Man United ee ugu fiicnaa iyada oo Mourinho uu Old Trafford joogo”. Laakiin joogitaanka Mourinho ee markani muu ahayn isaga oo tababare ah, laakiin Lineker ayaa goolkan ku laagtay Mourinho.

Laakiin taageerayaasha kubbada cagta ayaa dood badan ka dhiibtay hadalka Garry Lineker iyada oo qaar ay aaminsan yihiin in ayna United waxba iska badalin wuxuuna mid ka mid ahi soo qoray: “United waxay si khaas ah ugu muuqatay oo kaliya Chelsea oo diciif ahayd oo waxtar la’aan ahayd. Aanu sugno ilaa inta ay ka hor imanayaan Liverpool, Man City iyo Spurs. Waxaan qiyaasayaa in ay baska baarkiman doonaan sidii Jose oo kale”.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Arsenal Oo War Rasmi Ah Kasoo Saartay Xaalada Daafaca Ay Dhaawaca Kusoo Iibsatay Ee Keiran Teirney - Goorma Ayuu Garoomada Kusoo Laaban Doonaa?

Taageere Man United ah ayaa isna soo qoray: “Nasiib wanaag Mourinho kamuu ag dhawayn kooxda” isaga oo Linerker ku taageeray in United ka raysatay xaaladii xumayd ee Mourinho .

“Mourinho waxa uu markhaati ka noqday sida loogu ciyaaro habka Man United” ayuu taageere kale oo Man United ahi soo qoray.

Taageere Jose Mourinho garab istaagay ayaa isna soo qoray: “Mourinho koob kasta oo F**king ah ayuu ku soo guulaystay. Kooxdaadu hal koob kumay soo guulaysan xili ciyaareedkan, waxaad ku maadsanaysaa Jose.Ma badali doonto xaqiiqda ah in uu Europa League kula soo gulaystay United oo ka liidatay kooxda maanta ciyaartay”.

Muuqaalo, sawiro iyo qoraalo aad u tiro badan ayaa looga soo falceliyay hadalka uu Gary Lineker ugu maadsaday Jose Mourinho.