Garsoore Mark Clattenburg Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Qaabkii Uu Daafaca Liverpool Ee Joe Gomez Uga Caawiyay Marco Verratti Inaan Kaadh Cas Loo Taagin Kulankii Xalay.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain ee Marco Verratti ayaa qalad foolxun ku galay daafaca kooxda Liverpool ee Joe Gomez kulankii ay xalay guusha muhiimka ah gaadhay kooxda ree France.

Garsooraha ruug cadaaga ah ee ree Ingiriis ee Mark Clattenburg oo ka faalooday qaladaas kulanka kaddib ayaa aaminsan inay ahayd in Paris lagu koobo toban xiddig oo kaadhka cad loo taago Verratti qaybtii hore kaddib dhacdadan uu sameeyay.

Garsoorihii kulankaas ee Szymon Marciniak ayay jamaahiirta Reds ku eedeeyeen inuu u naxariistay Marco oo ay ahayd inuu kaadh cas oo toos ah ku abaalmariyo walow uu xiddiga ree Talyaani kaadh jaale ah ku mutay qaladkaas.

Clatterburg ayaa sheegay in Verratti uu mudnaa casaasnka balse waxa kaliya ee bad-baadiyay ay ahayd fal-celintii daafaca Liverpool ee Gomez kaas oo aan jilitaan samayn si uu garsooraha ugu qal-qaaliyo kaadhka cas.

Mark oo ka warramaya qaladkaas iyo sababta bad-baadada xiddiga PSG ayaa yidhi “Khadka dhexe ee PSG waxa uu qaladka galay isaga oo xawaare sarre ku socda, Iyadoo ay jiraan waxyaabo cadayn ahi waxa uu Gomez si xoogan ugaga qabtay lugta, Laakiin garsoore Szymon Marciniak waxa uu kaliya siiyay Jaale”

“Waxa bad-baadiyay Verratti ayaa ah fal-celintii daafaca Liverpool, Xiddigo badan ayaa gal-galan lahaa si ay iskugu dayaan inay garsooraha ku qanciyaan inuu bixiyo kaadh cas, Laakiin Gomez kama uusan bad-badin”

Si kastaba ha ahaaree, Kulankaas ayaa ahaa mid dhibaato weyn usoo jiiday rajada Liverpool ee wareega 16-ka tartanka Champions League, Kulanka dambe ee ay Reds la yeelan doonaan Napoli ayaa ah mid aan waxba la iskula hadhi doonin.