Garsooraha Dhex-dhexaadin Doona Kulanka Manchester Derby Oo La Shaaciyay & Garsoorahan Oo Ah Shaqsi Aan Hore Kulankan Loogu Dhiibi Jirin!!.

Garsooraha horyaalka Premier League ee Anthony Taylor oo ah shaqsi aan hore loogu soo dhiibi jirin kulamada u dhaxeeya kooxaha magaalada Manchester ee City iyo United ayaa haatan kulankaas masuuliyadiisa dusha loo saaray toddobaadka soo socda.

Garsoorahan oo ah mid asal ahaan kasoo jeeda magaalada Manchester ayaa markii ugu horreysay taariikhdiisa dhex dhexaadin doona kulankan walow uu kulamada caadiga ah ee kooxahani ay dheelayaan uu kasoo muuqdo.

40 jirkan oo ku dhashay goobta lagu magacaabo Wythenshawe ayaa kamid ah garsoorka kubadda cagta England kuwooda ugu fiican waxaana uu saaxada ugu sarreysa kusoo sugnaa kulamadii ugu dambeeyay.

Iyadoo uu garsoore kastaa xilli ciyaareedka kahor doorto koox uu taageero isla markaana ay tahay inaan loo dhiibin kulamadeeda si uusan ugu eexan ayuu Anthony Taylor doortay kooxda aan wax horyaal ah ka ciyaarin ee Altrincham oo uu taageere u yahay.

Taylor ayaa ilaa haatan 11 kulan garsooray kulamada xilli ciyaareedkan walina ma uusan bixin wax kaadh ah oo casaan ah halka uu hal kaadh casaan bixiyay 27 kulan oo uu garsoore ka noqday xilli ciyaareedkii hore.

Horraantii xilli ciyaareedkan ayay ahayd markii Taylor loo dhiibay kulan ka dhacay Old Trafford markaas oo ay Manchester United 3-2 kaga adkaatay kooxda Newcastle United oo laba gool uga hormartay.