“Garoonka Ka Saara Haddii Kale…..” – Dhibaatadii Lionel Messi Haysatay Yaraantiisii Marka Uu Carruurta Kubadda La Ciyaarayo Oo Daaha Laga Qaaday

Inaadeerka Lionel Messi oo lagu magacaabo Maxi Biancucchi ayaa xog xiiso badan ka bixiyay yaraantii kabtanka Barcelona, dhibaatadii uu ku qabay inuu la ciyaaro carruurta ay jaarka ahaayeen iyo waliba sidii uu uga soo kaban jiray.

Marka laga yimaado inuu yahay nin jidh ahaan yar oo gaaban, Messi ayaa 15-kii sanadood ee ugu dambeeyay halyeey kasoo noqday kubadda cagta isaga oo kusoo guuleystay rekoodh lix abaalmarinood oo xiddiga sanadka ee Ballon d’Or ah.

Watch Lionel Messi show off his skills as a young prodigy at ...

32 sano jirkan ayaan ahayn mid ay marnaba gaabnidiisu ka joojiso inuu wacdarro ka dhigo garoonka dhexdiisa waxaana haatan arrintaas sii caddeeyay Maxi Biancucchi oo sheegay inuu sidaas soo ahaa xataa carruurnimadiisii.

Dhinaca kale Maxi ayaa sheegay in carruurta ay jaarka ahaayeen ay ka codsan jireen in xiddiga Barcelona ciyaarta laga saaro haddii kale ay dili doonaan maadaama oo ay awood ahaan ka waaweynaayeen.

Maxi Biancucchi oo u warramayay Ataque Futbolero ayaa yidhi “Jaarnimadii isagu wuu nala ciyaari jiray, waanu ka waaweynayn waxaana ay noo sheegi jireen ‘Waa waali, saara sababtoo ah waanu dilaynaa, waxay doonayeen inay isaga wax yeelaan laakiin isagu wuu u dulqaadan jiray”

“Markii uu ahaa siddeed ama sagaal jir waxaan kici jiray xilli hore Sabtiyada si aan u daawado isaga oo ciyaaraya waxaana uu samayn jiray waxyaabo cajiib ah, maan aamini karayn”

Messi ayaa isaga oo yar ku biiray kooxda Newell’s Old Boys kahor intii uusan Barcelona usoo wareegin sanadkii 2001, dad badan ayaa aaminsan inuu Barcelona ku dhammaysan doono waayihiisa ciyaareed halka kuwo kale oo uu kamid yahay Biancucchi uu qabo inuu ku laabto Camp Nou.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook