Gareth Bale Oo Seegay Tababarkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Real Madrid Iskugu Diyaarinaysay Kulanka Espanyol Iyo Xidigaha Kale Ee Maqnaa.

Real Madrid ayaa dhamaystiratay tababarkii subaxnimo ee saaka oo sabti ah kaas oo ay ugu diyaar garoobaysay kulanka kooxda Espanyol laakiin Gareth Bale oo maalmihii ugu danbeeyay shaki wayn la galinayay taam ahaanshihiisa ayaa tababarkii ugu danbeeyay ee maanta seegay taas oo la micno ah in uu seegi doono kulanka ay kooxdiisa la ciyaari doonto Espanyol.

Sharciga Zinedine Zidane ayaa ah in haddii aanu ciyaartoygu qaadan tababarka ugu danbeeya in aanu haysan fursad uu ku ciyaaro kulanka xiga laakiin Cristiano Ronaldo oo aan khamiistii ka soo muuqan xarunta tababarka kooxdiisa Los Blancos ayaa jimcihii shalay dib ugu soo laabtay isaga oo sidoo kale saaka markale xarunta tababarka ku shaqaynayay.

Jesus Vallejo oo tan iyo bilawgii xili ciyaareedkan dhaawac la dhibtoonayay ayaa ugu danbayn ka soo kabsatay wuxuuna qayb ka ahaa kooxdii uu Zidane u diyaarinayay kulanka Jesus Vallejo balse waxaa wali Los Blancos dhaawacyo kaga sii maqnaan doona  Theo Hernandez, Mateo Kovacic, Marcelo iyo Karim Benzema kuwaas oo aan wali tababarka ka soo muuqan.

Sida ay hadda u muuqaato maadaama oo uu Gareth Bale seegi doono kulanka Espanyol, waxaa markale fursadan ka faa’iidaysan kara Dani Ceballos oo Real Madrid guul wax badan xaaladeeda ka badashay ku soo hogaamiyay kulankii Deportivo Alaves inkasta oo Marco Asensio, Isco iyo Lucas Vazguez ay dhamaantood rajaynayaan in ay fursad joogto ah helaan.

Real Madrid ayaa raadin doonta guusheedii ugu horaysay ee Santiago Bernabeu ee horyaalka La Liga kadib markii ay hore laba barbaro ah ugu soo gashay isla markaana ay kulankii ugu danbeeyay guuldaro kagala kulantay Real Betis waxayna Los Blancos rekoodh cajiib ah ka haysataa kooxda ay soo dhawayn doonto ee Espanyol.