Gareth Bale Oo Ka Hadlay Sida Uu Uga Murugaysnaa Inuu Keydka Ku Bilawday Final-kii Champions League Xilli Uu Dib U Jaleecay Goolkii Maqaska Ahaa Ee Uu Ka Dhaliyay Liverpool.

Weeraryahanka garabka bidix ee kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa ka hadlay xaaladiisa kulankii Final-ka UEFA Champions League kaddib markii uu boos ka waayay shaxdii kulankaa ugu soo bilaabatay tababare Zinadine Zidane isla markaana uu keydka kusoo bilawday, Bale waxa uu sidoo kale ka hadlay goolkii qurxoonaa ee maqaska ahaa ee uu isla kulankaas ka dhaliyay Liverpool.

Gareth Bale waxa uu ugu dambayn badal ku yimid ciyaartaas isaga oo ka yaabsaday dhammaan dadkii la socda kulanka kaddib markii uu cadeeyay inuu yahay shaqsigii kulanka go’aamin lahaa balse kaydka lagu ilaaway, Bale waxa uu isla markiiba ciyaarta u badalay 2-1 isaga oo gool maqas ah oo cajiib ah ka dhaliyay Reds, Daqiiqado kooban kaddib Bale waxa uu dhaliyay goolkiisii labaad oo bahdilaad weyn ku noqday goolhayaha Liverpool ee Loris Karius kaddib markii uu masaafo fog kasoo toogtay goolka.

Haddaba Gareth waxa uu sheegay inuu niyab jabsanaa maadaama oo uusan kusoo bilaaban isagoo dhinaca kale qabay inuu saamayn ku yeelan karo kulanka waxana uu hadalkiisa ku bilaabay “Waan niyad jabsanaa, Hore ayaan u sheegay taas, Inaanan kusoo bilaaban waan ogaa inaan awoodo inaan muhiim ka noqdo kulanka laakiin taasi waa sida ay ahayd”

Dhinaca kale Bale waxa uu ka hadlay goolkiisii maqaska ahaa ee uu kulankaas ka dhaliyay isaga oo sheegay inuu markasta doonayay inuu dhaliyo gool noocaas ah waxa uu yidhi isagoo hadalkiisa sii wata “Cajiib ayay ahayd inaan goolkaas dhaliyo, Dareen khaas ah, Waa waxyaabaha aanad ka fikirayn ee aad kaliya ka falcelinayso, Markasta waan doonayay inaan dhaliyo gool maqas ah laakiin inaad ku dhaliso munaasibadaas oo kale sida iska cad waxay ahayd goobtii lagu dhalin lahaa”

Gareth Bale oo aan wali mustaqbalkiisu cadayn ayaa la filayaa inuu dhawaan miiska wada xaajoodka la fadhiisto tababaraha cusub ee kooxda ee Julien Lopetegui isla markaana kala hadlo wax ku saabsan mustaqbalkiisa iyo qorshayaasha macalinka ee xilli ciyaareedka cusub.