GANAAX: Kooxaha Atletico Madrid Iyo Barcelona Oo Halis Ugu Jira Inay Ganaaxyo Kala Kulmaan Maamulka La Liga & Qaladaadka Kala Duwan Ee Loo Haysto.

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa ganaaxyo kala duwan kala kulmi kara gudida horyaalka La Liga kaddib qaladaad kala geddisan oo ay labadan dhinac ka sameeyeen kulankii ay xalay dhibcaha ku qaybsadeen Wanda Metropolitano.

Labadan kooxood ayaa loo haystaa xeer gudubyo kala duwan oo ay sameeyeen, Barca ayaa lagu eedaynayaa inay soo habsaameen qaybtii dambe ee kulanka halka Rojiblancs loo haysto in jamaahiirtoodu ay walxo kusoo tuureen garoonka dhammaadkii ciyaarta.

dem

Garsoore Jesus Gil Manzano ayaa warbixintiisa kulanka kaddib ku sharaxay in walxo lagu soo tuuray garoonka daqiiqadii 89-aad ee kulanka kaddib goolkii bar-bardhaca ee Ousmane Dembele waxaana kamid ahaa walxahaas quraardo iyo waxyaabo kale.

Arrintaas ayaa ah mid qusaysa qoddobka 15-aad ee xeerka La Liga oo dhigaya in haddii qof ku jira garoonka, Calanwadaha amaba kursiga keydka halis la geliyo sharci laga qaadi doono kooxda dhibaatada samaysa.

Waxa la filayaa in Atletico aysan dhibato badan la kulmi doonin maadaama oo aysan jirin wax dhaawacyo ahi haddiiba ay dhacdo kooxda ayaa la kulmi doonta in qayb kamid ah garoonka la xidho isla markaana lagu ganaaxo lacag u dhaxeysa  €3,006 ilaa €6000.

Dhinaca kale, In xiddigaha Barcelona ay kasoo habsaameen garoonka kaddib nasashadii qaybta dambe waxa ay qudhoodu filan karaan ganaax dhan €3000.

Garsoore Gil Manzano oo shaacinaya dib u dhacii Blaugrana ayaa yidhi “Qaybtii labaad waxa ay dib u dhacday 2 daqiiqo iyo 20 il-bidhiqsi, Sababtoo ah kooxda martida ah ayaa dib u dhigtay kasoo laabashadoodii qolka labiska, Iyadoo dhawr jeer hore looga digay marar kala duwan”