“Gaadhigeygii Ayaa Duulay, Dhimasho Ayaana Laygu Qoray” – Musiibadii Biriijka Morandi Iyo Ciyaartaygii Buuga Dadka Dhimashada Lagu Qoray

Talyaaniga ayaa murugo galay, waqti badanna ku qaatay badbaadinta dadka dhaawaca ah iyo aasidda ku dhintay markii uu dumay biriijka caanka ah ee Morandi 14-kii August ee sannadkan, shilkaas oo dib u dhigay ciyaar ka dhici lahayd magaalada Genoa oo AC Milan iyo kooxda Genoa ku wada iyaari lahaayeen.

Moranti Bridge oo dhererkiisu ahaa 200 mitir ayaa isku xidhayey qaybo badan oo dalka ah, udub dhexaadna u ahaa dhaqaalaha iyo isku socodka Talyaaniga iyo weliba dalal kale oo gaadiidkoodu adeegsan jireen markay hawlaha gacansiga u yimaaddaan dalka.

Qiyaastii waxa sannadkii adeegsan jiray 25 milyan oo baabuur, burburkiisana waxa ku dhintay 43 qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa gaadiidkii dul maryey markii uu dumay iyo kuwo kale oo dhulka socday oo baabuur samada ka timid ku habsatay.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Man United Oo Shaacisay Xidiga Lambarkii Romelu Lukaku Loo Gacan Galiyay Iyo Lukaku Oo Icardi Nolosha Ku Dhaxley.

Biriijkaas oo la dhisay sannadkii 1946-kii, ayaa waxa dadkii dul marayey markii uu dumay ka mid ahaa ciyaartoy hore oo lagu magacaabi jiray Davide Capello oo u ciyaari jiray kooxda Cagliary iyo xulka qaranka Talyaaniga ee da’doodu ka hoosayso 20 jirka, hase yeeshee sannadkihii u dambeeyey ku biiray shaqaalaha dab-demiska.

34 jirkan ayaa ku war helay in gaadhigii uu watay uu sida diyaaradda u duulay oo uu hoos usii socdo, illaa uu afka daray dhulka oo magaciisana lagu daro dadkii ku dhintay shilka, hase yeeshee nasiib wanaag wuu badbaaday, waxaana uu ka sheekeeyey wixii dhacay iyo halistii noloshiisu gadhay.

“Markii aan badhtamaha biriijka gaadhay ayaan maqlay qaylo dheer iyo sawaxan, si degdeg ah ayaanan u arkay laamidii oo bilowday inay laba kala noqoto, kaddibna waan dhacay. Gaadhigaygu illaa 40 mitir ayuu hoos usii duulayey ka hor intii aanu dhulka gaadhin. Waxa iga horreysay laami dusha kasoo dhacday oo gaadhigu afka ku dhuftay, kaddib waxa qaraxday eerbaagyada (airbags) (naqas ku jira shookaanta gaadhiga oo soo booda marka uu afka dhulka ku dhufto, dadkana badbaadiya), meel kastana muraayad ayaa ku jabtay.” Sidaas waxa yidhi ciyaartoy hore, Davide Capello oo ka badbaaday shilka.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Eden Hazard Oo Seegaya Kulankiisii Ugu Horeysay Ee La Liga & Dhaawaca Hazard Oo Walwal Ku Ah Zidane

“Waxaan u malaynayey inaan dhimanayo, waxaana laygu diiwaangeliyey inaan dhintay, cidina ima caawinin, laakiin aniga ayaa kasoo baxay gaadhiga iyadoon lugayga ku socda.

“Waqi kaddib, waxa aan maqlay codka badbaadiyeyaasha, waxa aan soo koray burburkii, waddada ayaanan soo gaadhay si aan u arko ambalaasta.

“Maan qabin dhaawacyo waaweyn, kaliya maskax guur ayaa igu dhacay.” ayuu yidhi.