Frank Lampard Oo Stamford Bridge Soo Gaadhay-Miyaa Heshiiskiisa Hadda Lagu Dhawaaqayaa?

Halyaygii hore ee kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa soo gaadhay Stamford Bridge iyada oo labadii todobaad ee ugu danbeeyay uu wada xaajood kula soo jiray maamulka Blues.

Isniintii ayay Chelsea iyo Frank Lampard heshiis buuxa isla gaadheen wuxuuna xidigii hore ee reer England uu ogolaaday in uu qalinka ku duugo heshiis saddex sano ah kaas oo uu mushaar ahaan sanadkii u qaadan doono 4 milyan gini.

Laakiin Frank Lampard ayaa lacag badan oo ku dhaw 5 milyan waxa uu ku heli doonaa haddii uu Chelsea xili ciyaareedka cusub u soo saaro Champions League oo ay kooxda Blues ku dhamaysato afarta Premier league ugu sareeya.

Sawir qaadayaasha ayaa Frank Lampard ku sawiray isaga oo hadda soo galaya Stamford Bridge waxaana daqiiqad kastaba la filan karaa in heshiis kiisa lagu dhawaaqi karo.

Kooxda Derby County ee uu Frank Lampard macalinka u ahaa ayaa haddaba heshay badalkiisa waxayna sugayaan inta ay Chelsea si rasmi ah ugu dhawaaqayso dhamaystirka heshiiska Lampard.

Frank Lampard ayaa hal xili ciyaareed oo kaliya macalin u soo ahaa kooxda Derby County wuxuuna soo gaadhsiiyay finalkii isreeb reebka Premier League loogu soo baxayay halkaas oo ay Aston Villa guuldaro kala kulmeen.

Laakiin Frank Lampard ayaa hadda diyaar u ah in uu xidho kabihii Maurzio Sarri kaas oo Juventus u wareegay bishii hore.

Si kastaba ha ahaatee, in hadda uu Frank Lampard soo gaadhay Stamford Bridge waxaa la sugayaa waqtiga heshiiskiisa Chelsea si rasmi ah loogu dhawaaqi doono.