Frank Lampard Oo Kasoo Hormaray Maxi Allegri & Ten Hag Uguna Cad Cad Shaqada Chelsea, Shaqsiyaadka Qaar Shaki Galinaya Awoodiisa & Cida Uu Taageeraha Ka Haysto.

Maamulka sarre ee kooxda Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay wadahadalo la bilaabeen halyeeyga kooxdooda ee Frank Lampard si uu bedel ugu noqdo tababaraha haatan ee kooxda ee Maurizio Sarri.

Maurizio Sarri ayaa kaliya hal sano kusoo qaatay xilka tababarenimo ee Blues balse waxa uu u muuqdaa mid shandadihiisa u xidh-xidhay haatan dhinaca kooxda Juventus kaddib xilli ciyaareed wanaag iyo xumaanba.

Madaxda Chelsea ayay bandhkood shaki galinayaan awooda tababarenimo iyo khibrada Lampard balse mulkiilaha kooxda ee Roman Abramovich ayaa ah shaqsiga sida weyn u qiimaynaya.

Xilka tababarenimo ee Chelsea ayaa kaddib bixitaanka Sarri lala xidhiidhiyay tababarayaal ay kamid yihiin Maxi Allegri iyo macalinka Ajax ee Erik Ten Hag kaas oo isha kooxaha waaweyni qabatay kaddib hanaan socodkii cajiibka ahaa ee kooxdiisa ee Champions League.

Labadaas tababare ayaa la aaminsan yahay inay shaqada kooxdaas ka cago jiideen maadaama oo uu haatan ganaax ka saaran yahay suuqa kala iibsiga.

Blues ayaa racfaan u diray maxkamada dib u heshiisiinta khilaafyada kubadda cagta ee CAS waxaana ay ka sugayaan inay kasoo qaadi doonto ganaaxa ay kala kulantay FIFA.

Tababaraha bedeli doona Sarri ayaa heli doona lacag uu ku kharash gareeyo kooxda maadaama oo ay Eden Hazard kaga iibiyeen Real Madrid lacag gaadhi karta 150 Milyan marka lagu daro lacagta gunada ah.

Si kastaba ha ahaatee, Lampard ayaa soo sameeyay bandhig ugu filan oo uu ku qabsan karo Stamford Bridge kaddib markii uu kooxdiisa Derby County lasoo gaadhay Final-ka SkyBet ee loogu soo baxo Premier League.