Flrontino Perez Waa Kalidii Taliye Dhabarka Ka Toogtay Spain, Julen Lopetegui Waa Danayste Khaa’in Ah, Waxay Labaduba Dalkooda Ku Rideen Ixtiraam Daro.

Waxaa wali si socota falcelinta kubbada cagta aduunka ee isbadaladii layaabka lahaa ee waqtiga kooban kaga dhacay xulka qaranka Spain waxaana hadalo kulul oo cadho ka muuqato dareenkiisa ku cabiray wariyaha ruug cadaaga ah ee Jose Maria Garcia kaas oo ka hawl gala Radio Marca ee dalka Spain.

Wariyaha caanka ah ee Jose Maria Garcia ayaa cadho wayn kula dhacay madax waynaha Real Madrid ee Flontino Perez kaas oo uu ku sifeeyay kalidii taliye dhabarka ka toogtay xulka qarankiisa Spain kadib markii uu 48 saacadood ka hor koobka aduunka uu kooxdiisa u magacaabay Julen Lopetegui.

Laakiin sidoo kale Jose Maria Garcia ayaa Julen Lopetegui ku tilmaamay danayste khaa’in ah wuxuuna su’aal galiyay sababta iyada oo aan dhaqaale xumo u gayn uu shaqada xulka qarankiisa koobka aduunka u dhamaysan waayay ee uu ixtiraam darada waqtiga xun uu Spain ugu riday.

Wariyaha Radio Marca ee Jose Maria Garcia oo ka hadlaya sida xaalada xulka qarankiisa Spain ahayd duufaanta ka hor ayaa yidhi: ” Waxaanu doonaynay in aanu koobka aduunka la tagayno khiyaali iyo xaqiiqo kadib markii si cajiib ah loogu soo baxay ayay wax walba burbureen, sababtoo ah, khiyaanada iyo danaystanimada Julen Lopetegui iyo  dabeecada kalitalisnimada ah ee Florentino Perez kaas oo Real Madrid u badalaya mishiin sameeya dad Madridistas ka soo hojeeda”.

Wariyaha ruug cadaaga ah ee Radio Marca ayaa sharaxaad la fahmi karo ka bixiyay sababta Florentino Perez ku qasabtay in heshiiska Lopetegui uu ku dhawaaqay waqti yar ka hor koobka aduunka wuxuuna sheegay in haddii xulka qaranka Spain uu fashilmi lahaa in Perez aanu garteen qaabkii uu Lopetegui uu ku hor gayn lahaa boodhka kooxdiisa.

Jose Maria Garcia oo arintan sharaxaya ayaa yidhi: ” Perez waxa uu gaadhay go’aan kaas oo ahaa Lopetegui, waxayna Real Madrid u baahnayd in Lopetegui aanu Spain hogaamin koobka aduunka, haddii iyaga wajiga hore looga soo reebo siduu Florentino boodhka kooxdiisa ugu bandhigi lahaa fashilkan?. Waxa ugu fiican iyaga ee ay samaynayeen waxa uu ahaa in ay Spain ka saaraan oo ayna Madrid noqon mid lataabto”.

Dhinaca kale Wariyaha ree Spain ee idaacada Radio Marca ee Jose Maria Garcia waxa uu murugo ka muujiyay in Lopetegui oo ay saaxiibo dhaw ahaayeen aanu dib ula kulmi doonin wuxuuna xusay in aanu xataa Lopegui aanu hadda wajiga tusi karin dadka ree Spain ee uu bilaa ixtiraamka ku riday.

Jose Maria Garcia oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: ” Waxa uu isagu ahaa saaxiibkay, isagu wuu inadjabiyay aniga. Waxaan door bidayaa in aanan Julen la kulmin sababtoo ah qofna wajigiisa ma eegi karo. Isaga wax dhibaato dhaqaale ahi may haysan, waxa uu haystay heshiis fiican, waxa uu tagay madrid laakiin qiimahan kumuu tagin”.

Ugu danbayn Jose Maria Garcia ayaa eedaynta ku sii waday Perez iyo Lopetegui wuxuuna yidhi: “Labada nin ee Florentino iyo Lopetegui waxay naftooda u ogolaadeen raaxada waxayna ixtraam daro ku rideen wadanka”.