“F**k SarriBall” Subaxda Ayaa Lagu Caydhinayaa, Ma Garanaysid Waxa Aad Samanayso-Maurizio Sarri Oo Aflagaado Kala Kulmay Jamaahiirta Chelsea.

Jaamaahiirta kooxda Chelsea ayaa furka ku tuuray tababaraha kooxooda ee Maurizio Sarri waxayna daqiiqado badan oo xidhiidh ah ku heesayeen erayo aflagaado ah oo ay dareenkooda cadhada leh ku soo bandhigeen intii lagu jiray kulankii FA Cupka ee ay Blues guuldarada kala kulantay Manchester United.

Manchester United ayaa qaybtii hore ee kulankii Stamford Bridge waxay awooday in ay laba gool dhalisay waxayna noqdeen labada gool ee ay guusha kaga soo gaadhay Chelsea isla markaana ay United ugu soo baxday wareega siddeed dhamaadka FA Cupka.

Chelsea ayaa ku fashilantay in ay wax goolal ah ka dhaliso Manchester United oo marti u ahayd waxayna jamaahiirta Blues waqtigii nasashada ku oriyeen ciyaartoyda kooxdooda laakiin waxa uu dareenkoodu ku soo jeeday Sarri kaas oo ay erayo aflagaado ah dhegaha ugaga wareeeriyeen.

Jamaahiirta Chelsea ayaa shan daqiiqo oo xidhiidh ah ku heesayay: “”F**k SarriBall” waxayna Sarri si cad ugu sheegeen: “Subaxda ayaa lagu caydhin doonaa, waxa aad samaynaysid ma garanaysid” iyo erayo badan oo oo ay dareenkooda cadhada lahaa ku soo bandhigeen.

Kadib markii ay Chelsea guuldarado 6-0 ah kala soo laabtay Manchester City, ayay jamaahiirta Blues filayeen in ay Manchester United iskaga reebi doonaan ceebtii iyo madax xanuunkii waqtiga badan soo haystay laakiin markii ay arkeen Sarri oo aan waxba ka badalin qaabkii uu hore ugu soo fashilmay waxaa bilawday in aflagaado loo gaysto macalinka reer Talyaani.

Jamaahiirta Chelsea ayaa xataa ku baaqay in kooxda dib loogu soo celiyo halyaygoodii hore ee Frank Lampard si uu badal ugu noqdo Sarri laakiin jamaahiirta Man United ayaa si jees jees ah iyo kaftan leh ugu heesayay in Chelsea ay dib u soo ceshato tababarkii ay United dhawaan caydhisay ee Jose Mourinho.

Cadhada jamaahiirta Chelsea ayaa cirka isku sii shareertay markii ay arkeen Sarri oo maraya isla dariiqii uu soo hayay tan iyo waqtigii ciid gaaleeda Chrismaska taas oo ah in uu joogto ka dhigtay in uu isku badalo Mateo Kovacic iyo Ross Barkley.

Halkan hoose kaga bogo sababta layaabka leh ee ay jamaahiirta Chelsea kaga cadhoodeen isku badalkii Kovacic iyo Barkley

Sidoo kale halkan ka daawo sida uu dareenka jamaahiirta Chelsea u kacsanaa kadib guuldaradii Man United ka soo gaadhay kooxdooda.

Si kastaba ha ahaatee, jamaahiirta kooxda Chelsea ayaa hadda maamulka sare ee kooxdooda ka sugaya in shaqada laga caydiyo Sarri isla markaana Lampard kooxda dib loogu soo celiyo inkasta oo Zinedine Zidane uu yahay magaca ugu horeeya ee ay Chelsea doonayso.