‘f**k off’ -Angel Di Maria Oo Aflagaado U Gaystay Jamaahiirta Kooxdiisii Hore Ee Man United Iyo Dhawr Sababood Oo Erayada Xun Ku Qasbay.

Xidiga xulka qaranka Argentina iyo kooxda PSG ee Angel Di Maria ayaa dib ugu soo laabtay garoonkii uu ku soo fashilmay ee Old Trafford laakiin wixii uu xalay ku sameeyay Manchester United waxay noqdeen mid uu si buuxda ugu cadeeyay in aanu United ka helin fursadii uu iskugu soo muujin lahaa.

Markii uu Di Maria soo galay Old Trafford ee kulankii xalay ee Champions League waxaa markiiba ku oriyay jamaahiirta kooxdiisii hore ee Manchester United kuwaas oo uga cadhaysnaa Di Maria waraysiyo uu bixiyay ka hor kulankan oo uu ku eedeeyay Man Uinited in ayna siin fursad uu iskugu muujiyo.

Laakiin orintii jamaahiirta Man United ay soo dhawaynta uga dhigeen Di Maria waxay keentay in xidiga reer Argentina uu bandhig layaableh muujiyay isaga oo caawiye ka noqday labadii gool ee ay PSG guusha kaga gaadhay United wuxuuna marar badan ahaa mid aan la joojin karin gaar ahaan goolkii uu Mbappe ka caawiyay.

Dhinaca kale jamaahiirta Manchester United ayaa bartilmaameedsaday Di Maria waxayna ku soo tuureen walxo uu khamri ka mid ahaa laakiin Di Maria ayaa erayo xun oo aflagaado ah si badheedh ah ugula jeedsaday jamaahiirta kooxdiisii hore ee Man United markii uu caawiyaha ka noqday goolkii kowaad ee PSG.

Di Maria ayaa adeegsaday luuqada Ingiriisida iyo waliba Spanishka si uu jamaahiirta Man United u aflagaadeeyo wuxuuna kamarada oo si toos ah u haysa uu ku yidhi: “‘F**k off! Puta! [Spanish – b***h]. F**k off!'”. Lama oga haddii ay UEFA wax ciqaab ah marin doono Di Maria laakiin waxaa la filayaa in UEFA ay dacwad ku soo oogi doonto Man United.

Laakiin min orintii jaamahiirta Man United ee Di Maria, ilaa garabkii uu Ashley young garoonka kaga saaray Di Maria iyo khambrigii lagu soo shiiday wax walba oo dhacay waxa uu Di Maria noqday kan ugu danbeeyay ee Old Trafford farxada iyo qosolka kala baxay isaga oo waliba laba gool caawin ku sameeyay goob uu xusuus xun ku leeyahay.

Si kastaba ha ahaatee, Di Maria ayaa si layaableh u buuxiyay booskii uu Neymar Jr dhaawaca kaga maqnaa wuxuuna kooxda PSG u muujiyay in uu leeyahay tayo kasta oo uu kooxdooda heerka kale ugu qaadi karo iyada oo PSG ayna tabin maqnaanshihii Neymar Jr iyo Cavani.