Fikirkiisa Kaga Aadan Shaqo Ka Ceydhinta Lopetegui, Rajada Uu Ka Qabo Inuu Qeyb Ka Noqdo Kulanka Australia Kadib Dhaawacii Soo Gaaray & Mbappé Oo Dhowr Arimood.

Weeraryahanka xulka qaranka France iyo kooxda Paris Saint-Germain Kylian Mbappé ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay hada aad u wanaagsan tahay, isla markaana uu diyaar u yahay in xulkiisa uu kala qeyb qaato kulamada koobka aduunka, kadib dhaawacii kasoo gaaray dhanka canqowga xili uu qeyb ka ahaa tababarka.

Kylian Mbappé ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay isla markaana uu ku xaqiijinayay sida uu diyaar ugu yahay kulamada xulkiisa qaranka France ayaa waxaa soo xigtay wargeyska “Marca” ee dalka Spain: “Waxaan u ahay diyaar 100% si inaan qeyb ka noqdo kulanka ugu horeeya uu xulka France kula ciyaari doono koobka aduunka Australia”.

Hadalka weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ayaa wuxuu imaanayaa xili ay jireen warar ku aadan in Mbappé uusan qeyb ka noqon doonin liiska xidigaha ka qeyb galaya kulanka Australia.

Sidoo kale Kylian Mbappé ayaa wuxuu ka hadlay shaqa ka ceyrintii lagu sameeyay macalinka xulka qaranka Spain Julen Lopetegui wuxuuna yiri: “Xulka qaranka Spain wuxuu ku jiri doonaa garoonka, wuxuuna leeyahay hami ah inuu guuleysto, xili uu haatan ku sugan yahay Fernando Hierro, waxay heystaan ciyaartoy aad caan u ah”.

Kylian Mbappé ayaa tilmaamay in wali xulka qaranka Spian uu ka mid yahay xulalka ugu cad cad ee ku guuleysan koobka aduunka 2018, sida Germany iyo Brazil “Waxay heleen wax kasta, waxayna caadeysteen inay ku guuleystaan koobab”.

Mbappé ayaa carabka ku adkeeyay in xulka qaranka France uu talaabo ka dambeeyo marka loo fiiriyo xulalka Germany Spain iyo Brazil, iyadoo la filayo in ay jiri karaan xulal layaab ka sameyn kara koobka aduunka 2018.