FIFA Virus Oo Soo Gaaray Chelsea Ka Dib Markii Xiddig Muhiim U Ahaa Frank Lampard Uu Dhaawac Soo Gaaray

Frank Lampard ayaa ka walwalsan taam ahaanshaha Emerson Palmieri ka dib markii daafaca Chelsea uu dhaawac muruqa bowdada uu ku soo gaaray kulamada heerka caalami.

25 jirkaan ayaa wacdarro uga dhigayay Chelsea xilli ciyaareedkan booska daafaca bidix.

Waxa uu ahaa dooqa koowaad ee tababare Lampard ee booska daaaca bidix, iyadoo tababaraha cusub ee Stamford Bridge uu keyd u geliyay xiddiga Isbaanishka Marcos Alonso.

Laakiin Emerson ayaa kaliya garoonka ku jiray sideed daqiiqo kulankii ay Italy ka badisay Finland xalay ee isreebreebka koobka Euro 2020.

Isagoo ciyaaray 90ka daqiiqo ee buuxa kulankii Khamiista ee ay ka badiyeen Armenia, Emerson ayaa walwal geliyay Lampard iyo Roberto Mancini ka dib markii uu isku dayay inuu ceyrsado weeraryahanka Finland Teemu Pukki.

Weeraryahanka Norwich ayaana orod uga tagay Emerson kaasoo xanuun dhulka la dhacay, waxaana uu garoonka ka baxay isagoo lugta jiidaya.

Haatan daafaca asalkiisa uu yahay Brazil ayaa u muuqda mid seegaya kulanka isbuuca soo socda ay Chelsea la ciyaareyso Wolves.

Tababaraha Blues ayaa sidoo kale walwal qaba madaama kulamo waa weyn ay isagu xigxigaan, ka dib kulanka Wolves waxa ay Champions League la ciyaari doonaan Valencia ka dibna kooxda hogaamineysa Premier League ee Liverpool oo booqaneysa Stamford Bridge.

Waxay sidoo kale koobka Carabao Cup wajahayaan midkood Grimsby ama Macclesfield iyo bisha September ku soo xiri doona kulan ay la ciyaarayaan kooxda Brighton.