RASMI: FIFA Oo Shaacisay Halka Lagu Qaban Doono Koobka Adduunka 2026 Iyo Hanjabaaddii Madaxweyne Donald Trump Oo Saamayn Ku Yeelatay

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ku dhowaaqday in saddexda waddan ee Maraykanka, Canada iyo Mexico ay wada jir u martigelin doonaan Koobka Adduunka 2026, kaddib markii codadkii ay xubnaha ku jira ururku codadkii ugu badnaa siiyeen.

Saddexda waddan ee wada jirka u martigelinaya Koobka Adduunka oo taageero hiil, hoo iyo hanjabaad ba leh ka helayay madaxweyne Donald Trump ayaa helay 134 cod, halka waddanka Morocco ee la tartamayey uu helay 65 cod oo kaliya.

Shirweynaha FIFA oo maanta ku qabsoomay magaalada Moscow maalin ka hor bilowga Koobka Adduunka, ayaa waxa kasoo xaadiray dhamaan dalalka xubnaha ka ah oo tiradoodu tahay 200 waddan, waxaana markiiba la furay markiiba la furay codaynta, taas oo ay kasoo baxday natiijo ay si aad ah uga shaqeeyeen hoggaamiyeyaasha Maraykanka Donaldo Trump Iyo Canada Jurstin Trudeau.

Madaxweyne Donald Trump ayaa la wariyey inuu daaha dabadiisa kaga jiray ololaha, waxaanu waraaqo u diray saraakiisha FIFA oo uu ku jiro madaxweynaheeda Gianni Infantino, kuwaas oo uu u sheegay in aanay jirin meel ka wanaagsan Maraykanka oo Koobka lagu qabto, haddii ay dhici weydona ay FIFA la kulmi doonto cawaaqibkeeda.

Codadka la dhiibtay oo ahaa ahaa 199, sababtoo ah hal waddan ayaa ka aamusay oo aan meelna u codaynin.