FASHIL: Sheekadii Fashilka Lama Filaanka Ah Ku Dhamaatay Ee Uu Kylian Mbappe Saacado Ka Hor Ugu Biirayay Barcelona Ee Ka Hor Intii Aanu PSG U Wareegin Oo Xog Cusub Laga Helay.

Suuqii xagaagii la soo dhaafay yaaa waji gabax wayn ku ahaa maamulka kooxda Barcelona ee uu Bartomeu kadib markii uu Neymar jr si lama filaan ah uu ugu biiray kooxda PSG isla markaana ay kooxda Camp Nou ka dhisan si buuxda ugu fashilantay xidigo badan oo ay doonaysay in ay kula soo wareegto lacagtii 222 milyan euroska ahayd ee ay ka heshay iibkii Neymar Jr, laakiin hadda waxaa xog dheeraad ah laga helayaa qorshayaashii fashilmay ee ay Barcelona kula soo wareegaysay Kylian Mbappe.

Barcelona ayaa heshiis la gaadhay kooxda AS Monaco si ay Camp Nou u keensato Kylian Mbappe waxayna markaas kooxda Monaco doorbidaysay in halkii ay Kylian Mbappe ka iibin lahayd koox ay si toos ah ula tartamayso in ay Barcelona ka iibiso, wuxuuna heshiiska Barcelona iyo Monaco dhacay maalin ka hor markii uu suuqa kala iibsiga xagaagu xidhmayay laakiin heshiiskan ayaa burburay si ay maalin kadib PSG ugu dhawaaqdo heshiiskii Kylian Mbappe.

Muuqaal uu duubay  L’Equipe 21, ayaa lagu ogaaday Barcelona iyo AS Monaco oo heshiis ka gaadhay heshiiska Kylian Mbappe laakiin August 30 muu jijrin heshiis ay PSG iyo Monaco ka gaadheen iibka Kylian Mbappe haddana maalin kadib halkii uu Mbappe ka soo degi lahaa Barcelona waxa uu heshiis bilawgiisu amaah ahaa balse 180 milyan eruos ku dhamaan doona uu kaga degay Paris.

Barcelona ayaa doonaysay in Arda Turan uu qayb ka noqdo heshiiska ay kula soo wareegaysay Kylian Mbappe, wuxuuna L’Equipe 21uu shaaciyay in wax walba laga heshiiyay isla markaana uu Mbappe diyaaradii u qaadi lahayd Barcelona uu ku sugayay garoonka diyaaradaha laakiin heshiiska ayaa burburay wuxuuna ugu danbayn Mbappe ku dhamaystay in maalintii ugu danbaysay suuqa oo ah maalin kadib markii uu hawlgalkani fashilmay uu PSG u wareegay.

Barcelona ayaa markaas doonaysay in Kylian Mbappe iyo Ousmane Dembele oo ay hore Dortmund ugala soo wareegtay in ay Camp Nou iskugu keento laakiin waxay maamulka Barcelona la kulmeen fashil wayn iyaga oo awoodi waayay in ay dhamaystiraan heshiis kale oo ay gaadheen si la mid ah qaabkii Seri oo isna Barcelona u soo duuli lahaa uu heshiiskiisu u burburay.

Barcelona ayaa sidoo kale ku fashilantay Agel Di Maria, Marco Verratti iyo Philippe Coutinho oo ay dhamaantood waqti badan ku bixisay sidii ay u keeni lahayd Camp Nou iyada oo ugu danbayn maamulka Barcelona ay ku dhamaysteen in ay suuqa kala soo wareegeen Nelson Semedo, Paulinho iyo Ousmane Dembele.

Comments

comments