FASHIL: Luis Suarez Oo Sii Wada In Loo Diiwaan Galiyo Rekoodh Qashin Ah & Habaarka Kasoo Haystay Champions League Tan Iyo 2015.

Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Luis Suarez ayaa halkiisa kasii watay rekoodh madaw oo uu kasoo diiwaan gashanayay tartanka horyaalada Yurub ee Champions League sanadihii ugu dambeeyay kaddib kulankii Lyon ee xalay.

Suarez ayaa sii dheeraystay rekoodhka liita ee goolal la’aanta uu ka yahay kulamada Champions League ee uu ka maqan yahay Camp Nou isla markaana uu kusoo ciyaarayo banaanka.

Goolkii ugu dambeeyay ee uu Suarez kusoo dhaliyay marti ayaa ahaa mid uu ka dhaliyay kooxda Roma sanadkii 2015 waana mudo laga joogo saddex sano iyo badh oo u dhiganta inuu soo ciyaaray 1507 daqiiqo oo uusan shabaqa garoon kale kusoo gaadhin.

Tan iyo wakhtigaas uu goolka kasoo dhaliyay Roma kaddib Suarez ayaan wax gool ah kusoo dhalin 16 garoon oo kala ah garoomada kooxaha Bate Borisov, Arsenal, Atlético (2015-2016); Borussia Moenchengladbach, Manchester City, Celtic, PSG, Juve (2016-2017); Sporting, Olympiacos, Juventus, Chelsea, Roma (2017-2018); iyo Tottenham, Inter, Lyon oo sanadkan ah.

Barca ayaa sidoo kale arkaysay weeraryahankeeda oo ku dhibtoonaya Camp Nou tartamada Yurub maadaama oo uusan xilli ciyaareedkan wax gool ah kudhalin isla markaana uu kaliya 1 gool oo Champions League ah soo dhaliyay 17-kii kulan ee ugu dambeeyay ee kulamada ay marti iyo minin soo ahaayeenba.

Goolkaas kaliya ayaa ahaa mid yimid kulankii ay Barcelona 4-1 kaga adkaatay Roma sanadkii hore markaas oo kulankii lugta labaad ay Roma soo laabasho cajiib ah samaysay.

Ugu dambayn, Abaarta Suarez ayaa sidoo kale soo taagnayd shantii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan waana 451 daqiiqo oo u dhiganta toddoba saacadood iyo badh.