FARXAD: Jamaahiirta Liverpool Oo Helay War Ay Ku Diirsadeen & Reds Oo Warbixin Kasoo Saaray Xaalada Dhaawac Kasoo Kabasho Ee Roberto Firmino.

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa war cusub oo ay ku farxeen ka helay kooxdooda kahor Final-ka UEFA Champions League oo ay Tottenham kula balansan yihiin magaalada Madrid 1-da bisha June.

Labadan kooxood ayaa labaduba qaab qurux badan iskaga xaadiriyay Final-ka tartanka horyaalada Yurub maadaama wareegii afar dhammaadka lugtiisii hore labadaba laga soo guuleystay.

Liverpool ayaa hoggaan 3-0 ah oo ay Barcelona ka haysatay ku bedeshay 4-0 halka Tottenham oo 3-0 lagu hoggaaminayay isku darka natiijada ee qaybtii nasashada kulankii dambe ay saddexdii goolba iska soo celisay sidaasna ku reebtay Ajax.

Dhinaca kale labadaan kooxood ayaa kahor kulanka ay balansan yihiin qaba dhibaatooyin dhaawac, Kooxda Mauricio Pochettino ayay ka maqan yihiin Davinson Sanchez, Harry Winks iyo Harry Kane halka Firmino uu dhaawac kaga maqnaa Reds.

Si kastaba, Liverpool ayaa haatan war kasoo saartay xaaladii dhaawac kasoo kabasho ee weeraryahankan ree Brazil waxaana ay sheegtay war ay si weyn ugu diirsadeen jamaahiirteedu.

Liverpool ayaa warbixin rasmi ah ku sheegtay in Roberto uu si rasmi ah ugu soo laabtay tababarka kooxda isla markaana uu xiddigaha kale ee kooxdeeda kala qayb qaatay tababarkii ugu horreeyay ee ay ku qaateen magaalada Marbella.

Warbixinta Reds ayaa odhanaysay “Roberto Firmino maanta waxa uu la tababartay xiddigaha ay isku kooxda yihiin kaddib dhaawac muruqa ah oo ka saaray saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee Liverpool”

“Brazillian-ku waxa uu ka qayb qaatay tababarkii ugu horreeyay ee Reds ee xerada tababarka Marbella ee subaxii Salaasada isaga oo ka shaqaynaya taam ahaansho buuxa”