FARRIIN: Sergio Ramos Oo Farriin Cad Hawada U Mariyay Paul Pogba, Amaan Uu Ugu Qubeeyay & Sida Real Madrid Looga Doonayso Oo Uu Qishay.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa amaan ugu qubeeyay khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba kaas oo uu sidoo kale u diray farriin kaddib heshiiskii uu Madrid ku doonayay xagaagan ee fashilmay.

Pogba ayaa fasixii xagaaga si cad u sheegay inuu doonayo loolan cusub oo ka baxsan Man United waxaana intaas u dheerayd inuu kooxda riyada ku tilmaamay Real Madrid oo uu hoggaaminayo Zinadine Zidane.

Intaas kaddib waxa markiisa Pogba amaan ugu qubeeyay tababare Zidane iyadoo halkaas ay ka bilaabmeen wararka sida joogtada ah ula xidhiidhinayay inuu Santiago Bernabeu u wareegayo xagaagii.

Manchester ayaa noqotay caqabada heshiiskaas iyadoo ku faro-adaygtay xiddigeeda ugu muhiimsan isla markaana u sheegtay Real inay iska bixiso 180 ilaa 200 Milyan oo euro haddii ay doonayso saxeexa Paul.

Ugu dambayn waxa xaqiiqo noqotay in Pogba uu mudo kale kusii sugnaanayo Old Trafford balse waxaan meesha ka bixin fursadiisa uu markale iskugu dayi karo rumayta riyadiisa Real Madrid.

Haatan kabtan Ramos ayaa sheegay hadal caddayn u ah sida ay kooxda uga doonayaan Pogba isaga oo xusay in albaabka Real Madrid uu u furan yahay ciyaartoyda tayada wanaagsan sidiisa oo kale.

Ramos ayaa yidhi “Waxaan filayaa in Real Madrid ay markasta albaabka u furto ciyaartoyda wanaagsan sida isaga oo kale”.

“Aniga ahaan Pogba waa mid kamida ciyaartoyda waaweyn, Isagu waa mid ka duwan kuwa kale, Waxa uu qiimihiisa ku muujiyay Juventus iyo haatan Manchester United”.

“Waxaan filayaa inuu isku dheeli tirnaan u keeno koox, Waxa uu leeyahay saamayn weerar oo weyn waxaana uu leeyahay jidh cajiib ah”.