Ma Rumaysan Karo Sida Uu Jeebka Joel Matip U Leegyahay Lewandowski, Fabinho Waxa Uu Difaaca Dhexe Kaga Fiican Yahay Kuwa Ugu Fiican Chelsea & Arsenal-Aragtidii Jamaahiirta Liverpool.

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay barbarihii ay kooxdooda Reds xalay la gashay Bayeern Munich waxaana jiray kala duwanaansho iyo waxyaabo laga midaysnaa. Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa si aan kala sooc lahayn ugu qancay qaab ciyaareedkii Fabinho uu ka muujiyay difaaca dhexe ee uu Klopp ku qasbay.

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa si wayn uga walwalsanaa difaaca dhexe ee kooxdoodu kadib markii uu qalbi asadkii Virigl Van Dijk uu ganaax ku seegay isla markaana ay dhaawacyo ku maqnaayeen Joe Gomez iyo Dejan Lovern waxaana markii labaad xili ciyaareedkan Klopp qasab ku noqtay in uu Fabinho iyo Matip difaaca dhexe ka wada ciyaarsiiyo.

Qiimaha Fabinho ayaa si wayn sare ugu kacay kadib markii uu muujiyay sababtii dhabta ahayd ee uu Jurgen Klopp ku sharaxay markii uu Monaco kala soo saxiixday oo ahayd in uu yahay wax ciyaartoy ka badan oo saddex boos ka ciyaari kara.

Fabinho ayaa noqday kaadhka qarsoodiga ah ee uu Klopp kaga soo baxay xaaladii qalalaasaha ahayd ee difaaca kooxdiisa ku habsatay isaga oo min khadka dhexe ilaa difaaca dhexe u soo kala badalayay inkasta oo noloshiisii bilawgii Anfield ay ahayd mid adkayd oo shaki la galinayay.

Haddaba jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa ka falceliyay shaqadii difaacasho ee Fabinho uu la sameeyay Matip iyo qaabkii ay ciyaarta uga go’doomiyeen Roberto Lewandowski oo ka mid ah gool dhaliyaasha caalamka ugu fiican.

Halkan kaga bogo qaar ka mid ah falcelintii jamaahiirta Liverpool ee kulankii Bayern Munich

Mid ka mid ah taageerayaasha Liverpool ayaa qodobo ahaan u taxay wixii uu ka arkayay kulankii Anfield wuxuuna soo qoray: ” Waxay ahayd in Mane uu gool dhaliyo, Henderson waa xidigii garoonka ugu fiicnaa, Keita qiimihiisa ayuu muujiyay, Matip iyo Fabinho way adkeeyeen, shabaqa nadiif ah la’aanta Van Dijk, 0-0 waa natiijo fiican, barbaro goolal leh ayaa Bayern inagu soo saaraya. baaqi ku sii ahaw niyadsamaan”.

Laakiin shirada sharadka khamaarka ah bixisa ee Bet365 ayaa qoraalkan soo dhigtay barteeda witterka waxaana looga hadlay Fabinho iyo Matip: “Sanadka 2051, waxaa waajib kugu noqonaysa in aad carruurta aad awawga u tahay u sharaxdo sida ay Liverpool iskugu lamaanaysay Fabinho iyo Joel Matip oo ka hor imanaya Roberto Lewandwoski ee ay shabaqa nadiif ah u ilaaliyeen”.


Taageere kale oo Liverpool ah ayaa tilmaamay in Fabinho uu booskiisa saddexaad oo difaaca dhexe ah uu ku noqday mid kaga fiican difaacyada dhexe ee Arsenal iyo Chelsea wuxuuna soo qoray: “Booska doorashada saddexaad ee Fabinho waxa uu noqon karaa difaaca dhexe ee Chelsea iyo Arsenal ugu fiican”.


Taageeraha kale ayaa xusuustay qaabkii uu Klopp u soo maamulay Fabinho si uu heerkan u soo gaadho wuxuuna soo qoray: “Markale ayuu caawa Fabinho cadeeyay sida uu u fiican yahay. Waxa uu buuxiyay difaaca dhexe wuxuuna sameeyay bandhig heer sare ah oo hubaal ah. Waxay ugu dhawaan tahay sidii uu Klopp sii ogaa waxa uu samanayay isaga oo si gaabis ah u dhex galiyay halkii uu ku soo dhex tuuri lahaa isaga”.


Taageere kale ayaa soo bandhigay xogta wax qabadkii Fabinho ee kulankii Bayern Munich: “Fabinho vs Bayern Munich- 66 baas, boqolkiiba 82% saxsanaan ah, laba kubbadood oo sare oo uu ku guulaystay, 2 taakal oo uu ku guulaystao oo uu mid ahaa ninka ugu danbeeyay, 4 jeer oo uu kubbada ku soo guulaystay, 3 jeer oo uu kubada saaray, hal mar oo uu dhexda ka qabtay iyo hal daboolid”


Laakiin taageere kale oo si layaablen ugu qanacsan sidii uu Matip ku joojiyay Lewandowski iyo in uu jeebka ku ritay ayaa yidhi: “Ma rumaysan karo haddii aan daacad noqdo sida fiican ee uu Lewandowski uu leeg yahay jeebka Joel Matip”.

Falcelinta jamaahiirta Liverpool ayaa ah mid aan la soo koobi karin balse intii aanu ka gaadhnay ayaanu halkan idiinku soo gudbinay.