FALCELIN: Ayaa Ku Yidhi Real Madrid Ka Tag, Ma Jiro Florentino Perez Ku Ilaalinayaa- Falcelinta Baroortii Cristaino Ronaldo Oo Heer Kale Gaadhay Iyo 20 Jeer Oo Uu Real Madrid Kaadhka Cas Kaga Soo Dheeraaday.

Falcelinta jamaahiirta kubbada cagta aduunka ee oohintii Cristaino Ronaldo ayaa wali sii socota iyada oo waliba heer kale loo qaaday waxaana xataa jira khabiiro kubbada cagta ah oo soo bandhigay xaqiiqooyin ah in Cristaino Ronaldo uu ka soo dheeraaday 20 jeer oo uu kaadhka cas u qalmay waqtigii uu Real Madrid joogay.

Qaar ka mid ah jamaahiirta kubbada cagta ayaa soo bandhigay muuqaalo ka mid ah waqtiyadii uu Ronaldo ka tirsnaa kooxda Real Madrid markaas oo uu u qalmay in kaadhad casaan ah la siiyo balse waxay ku doodeen in xiligaa ay caasimada Madrid oo dhami barbar taagnayd isla markaana uu Florentino Perez ayaa shaqsiga Ronaldo ilaalinayay.

Waxaana qoraalo badan oo baraha bulshada lagu soo bandhigay lagu sheegay in Cristaino Ronaldo aanu hadda haysan ilaalintii Florentino Perez isla markaana uu filan karo waxyaabo badan oo xun oo dhinaca garsoorka kaga iman karta.

Waxaa si wayn u soo ifbaxday in garsoorku ay Cristaino Ronaldo si gaar ah u la dhaqmi jireen markii uu Real Madrid joogay iyada oo sababta lagu salaynayo saamaynta Florentino Perez uu ku leeyahay xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA iyada oo waliba loo adeegsanayo in Ronaldo laftiisu uu xafladii UEFA uga baaqday in uu aaminsanaa in ku guulaysigii Madrod ee abaal marinta xidiga Yurub uu Perez saamayn ku yeeshay.

Khabiirka kubbada cagta Spain ee Rik Sharma oo si gaar ah wax uga qora kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo horyaalka La Liga aaya sida aad arki karto qoraalka sare waxa uu bartiisa twitterka ku sheegay in Cristaino Ronaldo uu ooyay kadib kaadhkii casaa ee kulankii Juventus wuxuuna sheegay in 20 jeer uu Real Madrid kaga soo badbaaday kaadhka cas isaga oo xataa dad laagay ama weeraray.

Rik Sharma ayaa qoraalkiisa aad dhinaca sare ka arki karto ku yidhi: “Cristiano Ronaldo waxa uu ooyay kadib markii laga saaray Juv, waxa uu Real Madrid kaga baxsaday ilaa 20 kaadh casaan isaga oo weeraray ama dad laagay”.

Laakiin taageere ay ugu qoran tahay Monzi ayaa soo bandhigay muuqaalada qaar ka mid ah dhacdooyinka Rik Sharma ee uu Ronaldo kaga baxsaday kaadhadhka casaanka ah markii uu Real Madrid joogay, waxaana ka muuqda dhacdooyin layaableh.

Monzi ayaa muuqaalka hoose soo raaciyay qoraalkan: ” Sidaa daraadeed, waxaad ka fikiraysaan in ay cadaalad daro ahayd saaridii Ronaldo ee shalay? Kani waa wixii uu Spain ku soo sameeyay markii ay guud ahaan caasimadu dhinciisa ahayd. Waa cadaalad in la sheego in kaadhkii casaa ee shalay uu ahaa wax aynu ugu yeedhi karno natiijada ficiladii hore”.

Sida aad muuqaalka arki karto waxaa ku jira dhacdooyin badan oo uu Ronaldo kaadhka cas ku mutaysan karayay balse aanu qaadan iyada oo ay jiraan dhacdooyin kale oo badan oo aan halkan ku jirin oo ay jamaahiirtu soo bandhigeen.

Dhinaca kale jamaahiirta kooxda Barcelona oo helay waqti ay Ronaldo ku xusuusiyaan dhacdooyinkii ugu soo badbaaday Madrid ayaa fariimo badan soo qoray laakiin mid ka mid ah oo ay ugu qoran tahay Magicofbarca ayaa ku dooday in mar haddii Ronaldo aanu haysan Florentino Perez oo ilaalinayay in wax walba dhamaadeen.

Wuxuuna fariintiisa qoraalka ah ku yidhi: ” Saaxiib Cristaino-now inta in ka badan Ma jiro Florentino ku ilaalinayaa, Way soo wada dhamaatay”.

Taageere kale oo kubbada cagta ah ayaa bartiisa twitterka soo dhigay sawirka dhacdadii uu Ronaldo kaadhka cas ku qaatay oo uu soo raacayay sawir ay timuhu ka daateen kaas oo uu ku tusaalaynayo sida uu Ronaldo timaha u jiiday xidiga Valencia.

Wuxuuna taageerahan oo ay ugu qoran tahay Mr. Tallal uu fariinta uu sawirada hoose soo raaciyay ku yidhi: ” Waxaad filaysaan in Roanldo uu bilaa danbi yahay? Eeg falkan axmaqnimada ah ee Ronaldo, waxaa waajib ah in nolosha oo dhan la ganaaxo”.

Dhinaca kale wargayska The Sun ee dalka Ingiriiska ka soo baxa ayaa si faah faahsan u sharaxay 20 ka jeer ee ay jamaahiirta kubbada cagta aduunku soo bandhigeen ee uu Ronaldo ku soo badbaday dhacdooyin uu kaadhka cas ku qaadan lahaa halkan boga labaad ayaad iyaga oo kooban kaga bogan kartaa.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. He is humanbeig and All human make mistakes so To cry infront of All over the world is enough to pan i think it’s better to forgive him

Comments are closed.