FALANQAYN: Waa Kuwee Shanta Ciyaartoy Ee Abaal Marintan Ballon D’Or Inta Ugu Badan U Qalmaa? Maxaa Dhici Kara Haddii Messi & Ronaldo Ku Guulaysan Waayaan?

2- Lionel Messi : Lionel Messi ayaa soo muujiyay in uu u dagaalami karo abaal marinta Ballon d’Or ee markii hore la saadaalinayay in uu seegayo sanadkan wuxuuna Messi soo muujiyay sababta uu naftiisa ugu cudur daari karo wariyaasha codkooda bixinaya ee ay ugu codayn karaan in uu ku guulaysto Ballon d’Orka markiisii lixaad.

Intii lagu jiray bishii October ee kadib waqtigii ay France Football shaacisay liiska musharixiinta abaal marinta Ballon d’Or waxa uu Lionel Messi si buuxda u ahaa mid ka mid ah xidigaha ugu bandhiga fiicnaa wuxuuna waxyaabihii uu ku soo guulaystay xili ciyaareedkii hore ku darsaday in uu Barcelona tunka ku soo siday ilaa intii uu dhaawacmayay October 20.

Lionel Messi ayaa qiimayntii ugu waynayd ee abaal marinta Ballon d’Or waxa uu naftiisa sare ugu qaaday kulankii Wembley Stadium ee uu Tottenham sida xun u galay wuxuuna hadda ku jiraa kaalinta 2 aad ee qiimaynta Ballon d’Or Power Ranking.

Waxaa la aaminsan yahay in Lionel Messi uu hadda kaalinta kowaad ee Ballon d’Or Power Ranking uu ku jiri lahaa haddii aanu dhaawacmi lahayn isla markaana uu ciyaari lahaa kulankii ugu waynaa ee El Clasico kaas o uu dhaawac ku seegay.

Messi ayaa markii uu ka soo laabtay dhaawaca waxa uu markiiba kooxdiisa u dhaliyay laba gool isaga oo 9 gool iyo 5 gool caawin ka soo sameeyay 12 kii kulan ee La Liga ugu horeeyay balse wali waxa uu ka mid yahay xidigaha ugu horeeya abaal marintan balse aan la filayn in uu ku guulaysan doono.

Lionel Messi ayay dad badani aaminsan yihiin in uu ka mid yahay saddexda xidig ee ugu horeeya ee sida buuxda ugu qalma abaal marintan inkasta oo codka saxaafadu uu haddaba yahay mid wax go’aamiyay.

Si kastaba ha ahaatee, xogta Lionel Messi ee 12 kii bilood ee ugu danbeeyay oo ah waxa loo xisaabinayo ciyaartoy kasta oo u tartamaya abaal marinta Ballon d’or ayaa muujinaysa in uu ahaan lahaa mid ka mid ah xidigaha inta ugu badan u qalma abaal marintan.