FALANQAYN: Maqnaansha Virgil Van Dijk, Taag Darada Difaaca Bayern Munich Iyo Shan Arimood Oo Saamayn Wayn Ku Yeelan Kara Kulanka Champions League Ee Liverpool Vs Bayeern Munich.

Indhaha kubbada cagta caalamka ayaa si buuxda ugu soo jeeda Anfield halkaas oo ay ka dhici doonto ciyaarta lugta hore ee wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions league waxaana iskaga hor iman doona kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich oo kaalmaha labaad kaga jira horyaalada ay ka tirsan yihiin ee Premier league iyo Bundesliga inkasta oo ay dhibco kala duwan haystaan.

Kulanka Liverpool iyo Bayern Munich ayaa ah kulanka ugu wayn ee wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League maadaama oo ay iskaga hor imanayaan laba kooxood oo 10 koob oo Champions league ah dhexdooda ku soo guulaystay wuxuuna noqon doonaa kulan xiiso iyo xamaasad badan isla markaana la filayo in jamaahiirta kubbada cagtu ay ku raaxaysan doonaan.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa sidii aad uga barateen halkan idiinku soo gudbinaysa falan qayn khaas ah oo aanu ku samaynay qodobada muhiimka ah ee saamayn wayn ku yeelan kara kulanka Anfield ee Liverpool soo dhawaynayso Bayern Munich halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

5- Liverpool Oo Soo Qaadatay Maalmo Badan Oo Nasasho Ah Iyo Bayern Munich Oo Xaaladeedu Ka Duwan Tahay.

Marka waqtigan oo kale la soo gaadho, xili ciyaareed kasta waxaa la soo hadal qaadaa daalka badan ee ciyaartoyda kooxaha Yurub ugu waa wayn maadaama oo ay inta badan tartamada badan ku mashquulaan, waxayna taasi keentay in marar badan ay tababarayaasha qasab ku noqoto in ay shaxahooda isbadal ku sameeyaan.

Laakiin Liverpool ayaa kulankan Anfield ciyaari doonta iyada oo maalmo badan oo fasax ah heshay isla markaana safar dalxiis iyo tababar cimilo diiran ah ah oo ay Spain ku joogeen waxayna Bayern Munich soo dhawaynayaan iyaga oo muddo 10 maalmood ah soo darsayay isla markaana oo qiimaynayay ciyaaraha Bayern Munich.

Laakiin xaalada Bayern Munich ayaa sidaa ka duwan waxayna laba maalmood ka hor kulan adag la ciyaartay kooxda ay xifiltamaan ee Augsburg oo waliba laba jeer goolal kaga hor martay inkasta oo ay ugu danbayn guul 3-2 ah ka gaadheen.

Sidoo kale Bayern Munich waxay safar u soo galeen England halka Liverpool ay xarunta tababarka kooxdooda ay tababarka ku samaynayeen, waxayna labada kooxood kulankan iskeenayaan iyaga oo ku soo jiray laba xaaladood oo gabi ahaanba kala duwan.

Liverpool waxaa kulan ay ciyaarto ugu danbeeyay guushii ay Anfield kaga gaadhay Bournemouth ee February 9, wuxuuna kulanka Bayern Munich ugu soo aaday waqti ay maalmo badan nasasho iyo tababar soo qaateen, waxayna sababtu tahay in ayna ku jirin FA Cupka iyo EFL Cupka.

Sidaa daradeed, Liverpool ayaa qodobka kowaad ee nasashada iyo qiimaynta ciyaarta kaga faa’iido badan Bayern Munich.

Riix bogga 2,3,4  si aad qodobada saamaynta leh ee kulankan uga bogato.