FALANQAYN: Lixda Xidig Ee Ugu Cad Cad Ku Guulaysiga Abaal Marinta Ballon D’or, Kooxaha & Horyaalada Xidigaha Ugu Badan Ka Helay Musharixiinta 30ka Xidig Ee France Football Shaacisay.

Majalada Caanka ah ee France Football ayaa si rasmi ah u shaacisay liiska musharixiinta 30-ka xidig ee sanadkan 2018 ku tartamaya abaal marinta Ballon d’Or, waxaana liiskan ku soo baxay ugu dhawaan ciyaartoyda aduunka ugu fiican iyada oo ay jiraan xidigo magac wayn leh oo aan ka soo muuqan liiska 30 ka xiidg ee u tartamaya abaal marinta Ballon d’Or.

France Football ayaa sanadkii labaad bixin doonta abaal marinta Ballon d’Or kadib markii ay kala baxeen xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA oo ay muddo si wada jir ah u bixiyeen abaal marinta xidiga sanadka ee aduunka ugu fiican iyada oo FIFA sanadkii labaad si kali ah u bixisay abaal marinta The Best.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa falanqayn aanu ku samaynay liiska musharixiinta abaal marinta Ballon d’Or ee ay France Football soo saartay iyada oo aanu si gaar ah u eegi doono lixda xidig ee abaal marintan sida cad ugu guulaysan kara iyada oo aanu sidoo kale eegi doono kooxaha tirada ugu badan ka helay musharixiinta Ballon d’Or.

Ugu horayn aan soo qaadano taariikhda kooban ee Ballon d’Or iyo sida ay muhiimad wayn ugu leedahay ciyaartoy kasta oo kubbada cagta ah. Ballon d’Or ayaa ah abaal marinta ugu da’da wayn kubbada cagta isla markaana ugu qiimaha badan waxaana la aas aasay sanadkii 1956 kii.

Majalad caanka ah ee France Football Magazine ayaa iska leh xuquuqda Ballon d’Or laakiin intii u dhexaysay sanadkii 2009 ilaa 2015 kii waxay France Football heshiis kula jirtay FIFA waxaana laysku daray abaal marinta FIFA ee xidiga aduunka ugu fiican ee The Best iyo Ballon d’Or iyada oo loo bixiyay magaca FIFA Ballon d’Or.

Muddadii magaca FIFA Ballon d’Or uu jiray waxaa abaal marintan ku soo guulaystay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo kaliya mana jiro xidig kale oo soo qaaday markii ay abaal marinta Ballon d’Or ahayd isku darka The Best ee FIFA iyo France Football abaal marinteeda Ballon d’Or.

Dhinaca kale France Football ayaa ciyaartoyda ay siinayso abaal marinta Ballon d’Or waxay ku qiimaysaa bandhigii ay sameeyeen sanadka lagu jiro iyada oo ka duwan FIFA oo wax ku qiimaysay isku darka laba xili ciyaareed oo ay ka soo qaado 12 kii bilood ee markaas ugu danbeeya iyada oo la xisaabiyo bandhiga qaybtii danbe ee xili ciyaareedkii hore iyo waliba xili ciyaareedka lagu jiro qaybtiisa hore.

Waxa kale oo ay Ballon d’Or kaga duwan tahay The best, qaabka loo codeeyo iyada oo France Football ay ku kooban tahay saxaafada Sportska ee fahansan bandhiga ciyaartoyda kuwaas oo codkooda ku kala saara 30-ka xidig ee ay France Football u soo xusho abaal marinta Ballon d’Or.

Laakiin abaal marinta ay Ballon d’Or kala baxeen ee The Best waxaa codeeya kabtanada iyo tababarayaasha xulalka qaramada aduunka oo boqolkiiba 50% ah halka jamaahiirta iyo saxaafada layskaga dhigay boqolkiiba 50% taas oo ay dhaliil badani ka timid qaabka loo codeeyo.

Xogta falanqaynta Ballon d’Or Ka Akhriso min bogga 2-aad ilaa Bogga 5-aad.

11 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.